U bood dhigaalka

Maxaa Ka Cusub Degmada Qandala?

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Qandala ee gobolka Bari, saakay oo Khamiis ah ayaa waxay sheegayaan in xaaladdu tahay mid ka deggan sidii shalay, kadib markii maaraakiib dagaal ay duqeeyeen degmadaasi.

Ciidamada sheegtay iney kamid yihiin Daacish ayaa halkaasi dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada, waxaana sidoo kale aanan saakay halkaasi ka jirin wax duqeyn ah.

Shalay waxaa degmada Qandala duqeeyey maraakiib dagaal  oo la sheegay in ay yihiin kuwo NATO ee ku sugan xeebaha Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha guud ee ka dhashay duqeyntaasi.

Inta badan shacabkii ku dhaqnaa degmada Qandala waxa ay u barakaceen deegaannada kale ee gobolka Bari, qaarkoodna waxay doonyo ku tageen dekadda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Dhanka kale ciidamada maamulka Puntland ayaa kaabiga ku hayan degmada Qandala oo ay sheegeen iney si awood ah uga saari doonaan degmadaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News