U bood dhigaalka

Maxaa Ka Cusub Magaalada Baydhabo?

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka jira jahwareer siyaasadeed, iyadoo xalay illaa saq dhexe magaaladaasi ka soconayeen kulamo gaar gaar ah.

Xubnihii ka haray guddiga doorashada ayaa waxay sheegayaan in doorashada la qaban doono 17-ka bishan, iyadoo la ogyahay in kala bar  ay guddigaasi iska casishay.

Sidoo kale, xubnahan waxay sheegayaan in lasoo dhammeystiri doono xubnaha guddiga doorashada ka harsan, islamarkaana waqtigeeda ay doorashada ka dhici doonto.

Waxgaradka K/galbeed oo shalay hadlay waxay tilmaameen in iyaga oo adeegsanaya awoodooda dastuuriga ah ay dib u dhigeen doorashada maamulkaasi.

Waxay waxgaradkan sheegeen in dowladda dhexe ay min Shan Kun oo doolar siisey xildhibaannada baarlamaanka K/galbeed ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Siyaasad ahaan Baydhabo ma degana, xilli walbana waxaa la filan karaa iney soo kordhaan warar dheeraad ah oo ku aadan arrimaha doorashooyinka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News