U bood dhigaalka

Maxaa Ka Cusub Shirka Deeqbixiyaasha Waxbarashada Soomaaliya Ee Ka Dhacaya Kuwait

Sheeko:Dalka

Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhaweysay shirka deeqbixiyaasha waxbarashada Soomaaliya ee ay ku dhawaaqday Dowladda Kuwait iney qabanqaabineyso. Sabtidii  ayaa Soomaaliya ay si weyn u soo dhawaysay shirka ay dowladda Kuwait ku dhawaaqday ee lagu maalgelinayo waxbarashada Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee guddiga heer federaal ee waxbarashada iyo dhaqanka Cisaam Jaamac oo Sabtidii ka hor hadlay fadhiga 39aad ee shirka guud ee ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan barbaarinta, Sayniska iyo dhaqanka ee UNESCO ee fadhigiisu yahay Paris ayaa sheegay in fikaradda shirka waxbarasho ee dowaldda Kuwait ku dhawaaqday uu noqday mid si weyn loosoo dhaweeyay, maadaama ay dowladda Kuwait ogolaatay iney shirkaa abaabusho dalkeedana lagu qabto.

Waxa uu intaa sii raaciyay: “Waxaan dooneynaa inaan si aad ah ugu mahadcelinno dowaladda Kuwait xukuumadeeda iyo shacabkeeda oo uu ugu horreeyo Al Sheikh Sabaax al-Axmed al-Sabaax amiirka dowladda Kuwait, waxaa la isku raacsan yahay inuu yahay hoggaamiye caalami ah oo ku horreeya dhanka bani’aadamnimada, iyada oo ay adduunka oo dhani ay u qirayaan gacan furnaanta dowaldda Kuwait.”

Dhanka kale, wasiirka waxbarashada dowaldda Kuwait Mohammad Al-Fares oo isna Jimhii hadal ka jeediyay shirka UNESCO ayaa mar kale ku celiyay in dowaldda Kuwait ay ka go’an tahay iney qabanqaabiso shir lagu taageerayo waxbarashada Soomaaliya, si Soomaaliya loo garab istaago, isagoona sheegay inuu aaminsannahay waxbarashadu iney tahay furaha horumarka shacabka laguna gaari karo kobac joogto ah.

Si kastaba, dowaladda Kuwait ayaa dhawaan ku dhawaaqday iney qabanqaabineyso shir lagu taageerayo waxbarashada Soomaaliya oo ay iskugu imanayaan deeqbixiyaasha adduun kaas oo ka dhacaya gudaha dalka Kuwait.

Goobjoog News