U bood dhigaalka

Maxaa Ka Socda Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool?

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxay sheegayaan in ciidanka DFS oo garabsanaya kuwa K/galbeed ay howlgal ka wadaan duleedka degmadaasi.

Ciidamo aad u badan oo ka baxay degmada Xudur iyo kuwo kale oo ku sugnaa duleedka degmadaasi ayaa maanta u dhaqaaqay deegaanno hor leh oo hoostaga degmadaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidanka K/galbeed ayaa inoo xaqiijiyey in ulajeedkoodu tahay sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen deegaannada hoostaga Xudur.

Howlgalkan ayaa daba socda dagaal culus oo habeen hore dhex-maray ciidankan howlgalka wada iyo Al-shabaab, kaasi oo ka dhacay xero ay ciidanka DFS iyo kuwa K/galbeed ku lahaayeen duleedka degmada Xudur.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News