U bood dhigaalka

Maxaa Ka Socda Dhuusamareeb?

Sheeko:Dalka

Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud waxaa ka soconaya kulamo xasaasi ah oo u dhaxeeya madaxda Galmudug iyo sidoo kale xubno ka socda dowladda federaalka Soomaaliya.

Cabdi Maxamed Sabriye, wasiirka arrimaha gudaha ee DFS ayaa xalay wuxuu Dhuusamareeb kula kulmay madaxda xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir iyo sidoo kale Macallin Maxamuud.

Waxyaabaha ay ka wadahadleen waxaa ka mid ah, sidii doorasho u dhici lahayd, la isugu soo dhowaan lahaa iyo sidii loo xallin lahaa khilaafyada jira.

Dhanka kale, waxaa soconaya kulamo gaar-gaar ah oo ay qaadanayaan madaxweyne Xaaf iyo madaxda Ahlu-sunna.

DFS ayaa wadda qorshe ay ku dooneyso in doorashada Galmudug ku dhacdo waqtigii loo qabtay, meeshana laga saaro rabitaanka madaxweyne Xaaf.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News