U bood dhigaalka

Maxaa Ka Socda Dowlad Goboleedka Galmudug?

Sheeko:Dalka

Dowlad goboleedka Galmudug waxaa ka socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed, waxaa 24kii saac ee la soo dhaafay ka degay wufuud kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo socdaalkiisa dhuusa-mareeb uu qeyb ka yahay qorshaha dhameystirka dadaallada horumarinta Galmudug, ayaa furaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo reer Galmudug ay uga tashanayaan aayahooda iyo dhismaha dowlad goboleed loo dhan yahay.

Dhanka kale, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad aqalka sare mudane Abshir Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ee xildhibaannada labada aqal ayaa iyaguna ku biiray shirka dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada xeebeedka Mudug ee Hobyo.

Guddoomiye Abshir Axmed ayaa lagu wadaa inuu soo xiro shirka, lama oga inuu u gudbi-doono Dhuusamareeb iyo in kale.

Goobjoog News