U bood dhigaalka

Maxaa Ka Socda Magaalada Baydhabo?

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka soconaya kulamo kala duwan oo ay leeyihiin xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi, siyaasiyiin iyo sidoo kale kulamo kale oo ay leeyihiin guddiga doorashada madaxweynaha K/galbeed.

Maanta ayaa lagu wadaa in magaaladaasi ay ku kulmaan xubnaha guddiga doorashada oo ka hadli doona arrimo doorashooyinka quseeya.

Guddigan ayaa isla meel dhigi doona arrinta ku aadan shuruudaha xubnaha musharraxiinta u ah doorashada madaxweynaha K/galbeed.

Waxaa jirta walaac ay maalmahan dambe qabeen qaar ka mid ah musharraxiinta isu soo taagay xilka madaxweynaha K/galbeed, kadib markii la sheegay in Baydhabo gaareen musharraxiin ay taageereyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News