U bood dhigaalka

Maxaa Ka Socda Magaalada Dhuusamareeb?

Sheeko:Dalka

Wararka maanta oo Khamiis ah ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka soconayo diyaar garow ku aaddan furitaanka shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

Shalay oo Arbaco ahayd ayaa lagu waday in shirkan uu furmo, balse arrimo farsamo ayuu dib u dhacay, waxaana taasi ay keentay in qorshaha furitaanka maanta loo soo wareejiyo.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna furi doonaan shirkan dib u heshiisiinta ah.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyey, waxaana ku sugan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa AMISOM.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News