U bood dhigaalka

Maxaa Ka Socda Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubbada Hoose?

Sheeko:Amniga

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa looga diyaar garoobayaa doorashada guddoonka baarlamaanka maamulkaasi iyo sidoo kale tan madaxweynaha.

Maanta ayaa la filayaa in musharraxiinta u taagan guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland iyo ku xigeennadiisa ay khudbadahooda jeediyaan.

Waxaa jira musharraxiin mucaarad ah oo ku sugan magaalada Kismaayo, kuwaasi oo aan iska diiwaangelin guddiga doorashada, misane sheegaya in la duudsiinayo xuquuqdooda.

Guddiga doorashada ayaa diiwaangeliyey 8 musharrax oo uu ku jiro madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana si caadi ah u socda howlaha diyaarinta doorashooyinka.

Shalay, waxaa magaalada Kismaayo tagay saraakiil ka socday sirdoonka Itoobiya, kuwaasi oo kulamo la yeeshay madaxweyne Axmed Madoobe si ay uga dhaadhiciyaan qodobada kala ah:

1- In waqti lagu daro diiwaangelinta Musharraxiinta

2- In xubnaha Federaalka sida wasiirada loo fasaxo tagistooda magaalada Kismaayo.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in Madaxweynaha Jubbaland uu u sheegay saraakiishan in howlaha diiwaangelinta u taallo guddiga doorashooyinka, sidoo kalena arrinta xayiraad ka qaadista wasiirada Federaalka iyana ay tahay wax laga doonayo golaha wasiirada Jubbaland oo markii horeba saaray, una baahan in dib loogu celiyo.

Natiijo la’aan ayeey saraakiishan isaga soo tageen magaalada Kismaayo, iyadoo la sheegayo iney soo aadeen dhanka magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, waxaa la filayaa in maanta magaalada Kismaayo ay gaaraan xubno ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayo wakiilka QM ee Soomaaliya.

Ulajeedkooda ayaa ah iney la kulmaan madaxweynaha Jubbaland iyo sidoo kale musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne ee maamulkaasi.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa horey u sheegtay in aysan aqoonsan doonin natiijo walbo oo kasoo baxda doorashada Jubbaland, haddii aanay iyadu lahaan go’aanka ugu dambeeya.

Dastuurka KMG ee dalka u yaalla ayaa awood buuxa siinaya dowlad goboleedyada iney si nabad oo aan farogelin ku jirin ku maamushaan doorashooyinkooda, iyadoo DFS waxa laga sugayo ay tahay oo kaliya ilaalinta sharciga iyo Dastuurka KMG ee dalka u yaalla.

Goobjoog News