U bood dhigaalka

Maxaa Ka Socda Magaalada Kismaayo?

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa ku sugan ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, iyadoo xalay uu ku hoyday magaaladaasi.

Wararka ay Goobjoog ka heleyso Kismaayo waxa ay sheegayaan in Kheyre xalay uu la kulmay madaxda Jubbaland, saakayna ay soconayaan kulamo kale oo gaar gaar ah.

Waxyaabaha ugu badan ee Labada dhinac ka wadahadlayaan waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka DFS iyo maamulka Jubbaland, sidoo kalena waxaa laga hadlayaa xallinta tabashooyinka jiray.

Ammaanka guud ee magaalada Kismaayo aad ayaa loo adkeeyey, iyadoo ciidamada ammaanka lagu arkayo waddooyinka magaaladaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News