U bood dhigaalka

Maxaa Ka Socda Xarunta Golaha Shacabka Ee Magaalada Muqdisho?

Sheeko:Dalka

Xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho waxaa ku qulqulaya xildhibaannada golahaasi, iyadoo ammaankana uu yahay mid aad loo adkeeyay.

Ciidamada ammaanka ayaa isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho waxay ku reebayaan ilaalada xildhibaannada u socda xarunta golaha shacabka, iyadoo halkaasi gudbayo oo kaliya xildhibaanka.

Banaanka kore ee xarunta golaha shacabka waxaa ku sugan xildhibaanno badan oo saf ugu jira in la baaro, halka qaarna ay gudaha u galeen xarunta.

Ciidamo Booliis ah ayaa lasoo sheegayaa sidoo  kale iney gudaha ugu jiraan golaha shacabka, kuwaasi oo qeyb ka ah sugista amniga.

Wariyeyaasheenna waxay soo sheegayaan in goor dhow uu halkaasi gaaray guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo ku xigeennadiisa.

Guddoomiye Jawaari oo mooshin laga keenay ayaa hadda ku fadhiya kursigiisa.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News