U bood dhigaalka

Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii Madaxweyne Deni Uu La Qaatay Waxgaradka Iyo Ganacsatada Gobalka Mudug?

Sheeko:Dalka
Madaxweynaha maamulka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada magaalada Gaalkacayo kulan kula qaatay Nabadoonada iyo xubno ka mid ah ganacsatada gobolka Mudug ee Putnland
kulanka ayaa u jeedkiisu ahaa in looga hadlo ammaanka magaalada Gaalkacyo oo falal amni liddi ku ah ay ku soo kordheen.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuquraadiyadda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa ka war bixiyey kulanka.

 

“Maanta waxaa uu Madaxweynaha Dowladda Puntland ku qaabiley Madaxtooyada Gaalkacayo nabadoonada gobolka Mudug, khaasatan inta joogtay magaalada Gaalkacayo iyo xubno kamid ah ganacsatada halkaas oo looga wada hadlay guud aahaan xaaladda dalka, gaar ahaan gobolka Mudug haday ahaan lahayd nabadaynta iyo dib u hishiisiinta gobolka, haday ahaan lahayd adkaynta iyo kawada shaqaynta Amniga, haday ahaan lahayd wanaajinta Dowladnimo wanaagga”

“Nabdoonada aad iyo aad ban ugu mahadcelinayna in ay Madaxweynaha la wadaageen xaaladda gobolka iyo baahiyaha ka jira oo dhan iyo sida wax looga qaban karo, Madaxweynuhu waxaa uu maanta halkaas ka balanqaaday in dowladdu qaadan doonto doorkeeda iyo mas’uuliydeeda saaran sidii wax looga qaban lahaa tabashooyinka dadku qabaan dhanka Amniga, ka shaqaynta dowladnimada iyo arrimaha bulshada, aad iyo aad ayuu shirkaas ugu soo dhammaaday is afgarad iyo wadashaqayn” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyadda”

Goobjoog News