U bood dhigaalka

Maxaa Kala Socotaa Madaxweyne Farmaajo Iyo Kooxaha Uu Taageero Ciyaaraha Dalka Iyo Caalamka?

Sheeko:Cayaaraha

 

Madaxweyanaha 9-aad ee jamhuuriyda fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo marka laga tago soyaalkiisa arrimaha siyaasadda dalka waxa uu ahaan jiray taageere,ciyaartooy iyo garsoore kubbadda cagta inkastoo uusan kasoo muuqan tartamadda maxliga ee gudaha.

Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo 08-February 2017 loo doortay jagada xilka madaxweyne ee  Soomaliya ayaa xilka kala wareegay Xasan Sheiikh Maxamuud doorasho ka dhacday madaalada Muqdisho

Madxweyne Farmaajo inta uu Ra’iisul wasaare ka noqonin Soomaaliya sanadii 2010 waxa uu shahaada xirafada kubbadda cagta ee garsoorka ka qaatay jamaacada ku taala washington Dc,isagoo sanadkii 2012 dhex- dhexaadiye ka ahaa tartamo kala duwan oo kubbadda cagta ah oo ay qaban qaabin jireyn jaalayadaha Soomaliyeed ee ku dhaqan dalka Mareykanka.

“Waxa aan ku ciyaari jiray xarunta Jerneraal Kaahiye ama (Iskuul baluusiya) ilaa  markii aan ka qalin jibinayay iskuulka sare waxa aan ciyaari jiray kubbadda cagta, anigoo daawan jiray xirfada kooxda barismaadka ee Fiat iyo macalin Giftin, waxyaabaha i jeclisay ciyaaraha waxaa qeyb ka ah Macalin Cabdi Casiis giftn iyo sidii ay kooxdiisa Fiat basaaska gaaban u ciyaari jireyn iyo isku xirkoodii wanaagsanaa”sidaas waxaa yiri madaxweyne Farmaajo

Mudane Farmaajo oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri “Intii aan yaraa ciyaartooydii aan ugu jeclaaa ee dalka ka ciyaari jirtay waxaa ka mid ahaa Bin Shaakir, Cafiif,Girilli,Ismaaciil Ducaale,Maxamed Ismaaciil,Mukhtaar Cuti iyo xidigo kale oo aad saraysay xirfadooda”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bishii May 2017  waraysi uu siiyay wargeyska Sharq-Alawsat ee kasoo baxa Magaalada Londan ee dalka Egland ayaa ka hadlay 10-kii maamaalin uu joogay xafiiska madaxtooyda Villa Soomaaliya

Su’aalihii la waydiiyay waxaa qeyb ka aheyd- Waqtigaaga sideed ugu qeybisaa qoyskaaga iyo shaqadaada madaxweynenimo? Mise leedahay waxyaabo aad ka hesho oo aad sameyso?

“Waqtiga ugu badan shaqada xafiiska ayaan ku qaataa xilligaan, carruurteydana wali Mareykanka ayey joogaan.Markaan runta kuu sheego shaqada madaxtinimo ee Soomaaliya kuuma ogolaaneyso wax kale inaad sameyso, haddey noqon lahayd nolosha qoyska ama mid kalaba.Wax aqriska waa jeclaa, ciyaarahana inta aanan madaxweynaha noqon Realmadrid ayaan taageeri jiray oo aan ciyaarahooda daawan jiray laakiin hadda waxaas waa dhamaadeen”

Dhammaadka bishii July sanadkan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo aqalka madaxtooyda dalka ku qaabilay xiddigaha 17-jirada Soomaaliya ee kaalinta 2-aad ka galay tartankii bariga iyo bartimihii Afrika 2018 ee ka dhacay wadanka Burundi ayaa sheegay iin ciyaartooydan ay dadka soo xasuusiyeen waayadii hore iyo sida loogu faani jiray Soomaalinimada

Halkan ka daawo warbixin ku saabsan sooyaalka ibsoortiga madaxweynaha Maxamed C/llahi Farmaajo

Waxaa diyaariyay-Maxamed Xuseen Qalinle