U bood dhigaalka

Maxaa Kasoo Baxay Shirkii Degdegga Ahaa Ee Wasiirada DFS Ka Yeesheen Amniga Muqdisho?

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa Guddoomiyay shir golaha wasiirradu ka yeesheen amniga dalka, gaar ahaan sugidda amniga Muqdisho.

Goloha wasiirrada ayaa shirka aad ugu falanqeeyay xaaladda amni ee dalka, waxaana warbixin looga dhagaystay wasiirrada amniga iyo difaaca oo golaha xog dheeraad ah ka siiyay warbixinnadii ugu dambeeyay iyo qorshayaasha la doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaannada ay dalka kaga sugan yihiin.

Golaha ayaa isku raacay in si aad ah loo adkeeyo amniga caasimadda, lana dardar geliyo fulinta qorshaha dalka looga saarayo Al-shabaab.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyey ahaa mid faraha kasii baxayey, waxaana magaalada kusoo batay dilalka iyo sidoo kale qaraxyada.

Goobjoog News