U bood dhigaalka

Maxaa Kasoo Baxay Shirkii IGAD Ee Jabuuti?

Sheeko:Dalka

Dalka Jabuuti waxaa lagu soo gabagabeeyey shir ay ku lahaayeen wadamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD, iyadoo shirkaan arrimo muhiim ah looga hadlay.

Maxbuub Macallin, xoghayaha guud ee IGAD ayaa sheegay in shirkaan looga hadlay arrimo ku saabsan barakacayaasha, qaxootiga iyo Muhaajiriinta.

Waxa uu sheegay in diiradda ay ku saareen shirkooda sidii loo heli lahaa maalgelin ku aaddan ka hortagga arrimaha iyo wax ka qabashada dhibtooda.

Dowladda Jarmalka ayuu sheegay xoghaye Maxbuub iney ballan qaaday bixinta lacag dhan $20 Million, taasi oo lagu taageerayo arrimaha barakacayaasha, qaxootiga iyo muhaajiriinta.

“Shirkan wuxuu ku saabsanaa sidii maalgelin loogu sameyn lahaa dhibaatada badan eek a taagan gobolka ee ku aadan qaxootiga, waxay dowladda Jarmalka ballanqaadday $20 Million, lacagtaasi weli kuma filna arrimahan, waxaan sameennay mashruuc kale oo dhaqaale ururin ah” ayuu yiri Maxbuub.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shirkaan qeyb ka ahayd, waxaana u matalayey Maxamed Cadde Mukhtaar oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Goobjoog News