U bood dhigaalka

Maxaa Keena Inuu Kordho Miisaanka Qofka Bisha Ramadaan

Sheeko:Caafimaadka

In kasta oo la sooman yahay inta lagu gudo jiro bisha barakeysan ee Ramadaan saacado dheer, hadana waxaa jira dad badan oo ka cabanayo inuu kordho miisaankooda inta lagu gudo jiro bisha soon ee fadliga badan.

Hadaba waxaa jirta waxyaabo badan oo sabab u ah inuu kordho miisaanka qofka inta lagu gudo jiro bisha ramadaan waxaana ka mida wax yaaba kordhiya miisaanka int lagu gudo jiro ramadaanka waxaana ka mida:

  1. Qof oo cuno cunto fara badan taasi oo uu cunayo afurka ilمaa iyo saxuurta isagoo oo aan sameyneynin wax aala miito ah ama socod arrintaasi waxay keenaysaa inuu kordho miisaanka qofka oo uu cayilo.
  2. Qofka oo cuno ama qaato waxyaabaha macmacaanka badan kuwaas oo ay ka buuxaan buritiino badan, waxayna kula taliyaan qubarad dhanka cuntada inuu marka hore qofka uu ku afuro dhowr xabo oo timir ah.
  3. Caloosha oo aan diyaar u aheyn inay qaadato cunto badan maadaama qofka uu soo manyahay saacado ka badan 12 saacadood, arrintaani ayaa qubarada dhanka cuntada waxay kula taliyaan dadka in marka hore uu qofka uu ku afuro koob biyo ah oo casiir ah kaasi oo aan laheyn wax sonkor ah, ka dibna uu usugo cuntada kale ee weyn muddo dhan 10- 20 daqiiqo.
  4. Qofka oo aan sameynin jir dhis ama aalamiito waxay keentaa inuu kordho miisaanka qofka.
  5. Qofka oo seexdo marka uu afuro waxay keentaa inuu kordho miisaanka qofka ama uu cayilo.

Waxay ku talinayaan qubarada cuntada iyo dhaqaatiirta inuusan qofka uusan iska badin raashinka afurka, sidoo kale waxay ku talinayaa inuu qofka uu socdo marka uu afuro halsaac ilaa iyo sodon daqiiqo afurka ka dib.

Goobjoog News