U bood dhigaalka

Maxaa Ku Soo Kordhay Kulanka La Filayey Ee Donald Trump Iyo Kim Jong-un?

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inay jirto “Fursad badan” oo ah in aanu dhicin kulanka bisha dambe lagu waday inuu dhex maro isaga iyo hoggaamiyaha waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un.

Kulankan oo looga hadli lahaa arrimaha badan ayuu shaki geliyay Donald Trump kadib kulan uu la qaatay madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed, Moon Jae-in.

Waqooyiga kuuriya waxaa ay sidoo kale shaki ka qabtaa in Mareykanka uu ka dhigo niyukleer-ka si la mid ah qaabkii hoggaamiyaha Libya Mucamar Al-qadaafi.

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa ku hanjabtay in ay wadahadalada ka bixi doonto haddii Mareykanka ay ku cadaadiyaan in hub ka dhigis niyukleer.

Wada hadalka Donald Trump  iyo Kim Jong-un ayaa haddii uu dhaco waxaa uu noqon-doonaa mid taariikhi ah, labada nin lama sadaalin karo dhaqankooda iyo go’aanka intaba.

Goobjoog News