U bood dhigaalka

Maxaa La Filan Karaa Haddii Soomaaliya Iyo Itoobiya Sameystaan Guddi Wasiirro Oo Isku Dhaf Ah?

Sheeko:Dalka

Kulan gaar ka ahaa kala fadhiga 32-aad ee golaha fulinta midowga Africa ayaa wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu waxa uu soo jeediyey inay sameeyaan guddi wasiirro isku dhaf ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya kuwaas oo kulamo joogta ah qaata.

Kulankan ayaa waxa uu la yeeshay wasiirka arrimaha badda Itoobiya dhiggiisa Soomaaliya .

Hadaba Soomaaliya xilligaan maxay kaga dhigantahay in guddi isku dhaf ah ay sameystaan Soomaaliya iyo Itoobiya, shacabkana aragtidooda maxay ka badali kartaa, Cabdi Xaliim oo bartay xiriirka caalamiga ah yaa uga waramay arinkani Goobjoog News.

“Caqabada ugu weyn oo Soomaalida markay maqlaan heshiis ayaa dhexmaray dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo dowladda Itoobiya murugo badan ayaa ka taagan, murugadaasna waxay u badantahay inay dadka ka qawaafaan heshiiskaas, midda kale Labo wadan waa ay wadaagi karaan xiriir diblomaasiyadeed is dhexgal bulshana waa ay sameyn karaan, waa caadi waa ayna banaan- tahay, balse waa in mid walba lagu ixtiraamo waxyaabaha lama taabtaanka ah sida diinta iyo dhaqanka, dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Itoobiya waa ay kawada hadli karaan wayna ka heshiin karaan arimahooda kale,guddiga isku dhafka ah wuu isku soo jiidi karaa labada bulsho oo wax kala tabanayo waa hadii laga leeyahay aragti wanaagsan oo wax lagu xalinayo”.

In la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya xiriirka Labada dal iyo sidii ay isku dhexgal bulshadeed ay u sameyn lahaayeen maxay ka faa’idi karaan Labada dal Maxamuud Xaamud Badle ayaa ka jawaabaya.

“Dhanka Soomaalida markaan leenahay guddigaas waxa ay u wanaagsanyihiin in laga shaqeeyo nabadda intay Soomaalida soo ka baneyso, Soomaalida waa ay u wanaagsantahay marka dhankaasi laga eego,dhanka kale Itoobiya ayaa soo jeedinta guddiga leh dano waaweyna waa ay ku hoos wadataa, waxaana danahaasi la oran karaa Itoobiya iyo Soomaaliya dagaallo ayaa ka dhaxeeyay iyada oo Soomaaliya dhul kaga maqanyahay Itoobiya, marka Itoobiya waxa ay isku dayi doontaa guddiyadaasi marka ay isticmaaleyso sidii Soomaalida ay u ilowsiin laheyd dhulkaasi ka maqan”.

Maadaama shacabka Soomaaliyeed ay shaki badan ka muujinayaan sameynta guddigaani isku dhafka ah waxa uu mar kale ka hadlaya Ustaad Cabdi Xaliim waxa la gudboon dowladda Soomaaliya.

“Cilmiga diblomaasiyadda xiriirka waxaa haboon ayuu ku leeyahay dowlad kasta oo jirta waa in ay wax walba ay ka hor-marisaa danta umadda ay matasho danaha dowladaha kale,dowladda dhexe ee Soomaaliya shacabka Soomaaliyeed guddigaasi indhaha ay ku eegayaan, waxaana la gudboon dowladda inay latimaado istiraatiijiyad ay ku qanci karto shacabka Soomaaliyeed,hadii ay la imaan weyso, taariikhiyan dowlado badan oo sameeyay falal fashil diblomaasiyadeed meeshii ay mareen meel lamida ayay mari doontaa”.

Kulanka dhexmaray wasiiradda arimaha dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxa uu ka dhacay Adis-ababa ee caasimadda dalkaasi,waxaana la qorsheeyay in labad dal ay daaha ka qaadaan sameynta guddi wasiiro isku dhaf ah.

Goobjoog News