U bood dhigaalka

Maxaa Laga Rabaa Qatar?

Sheeko:War

Dunida ama shaqsiga ilbaxa ah waa uu garanayaa natiijada iyo halka uu ku dambeyn doono is qab-qabsiga Carabta gaar ahaan Cadaadiska Qatar/Qadar lagu haayo.

Mareykanka si gaar ah D. Trump Madaxweynaha America ayaa lagu eedeeyaa in uu ka dambeeyo khilaafka wadamada Carabta ee gaar ahaan cadaadiska siyaasadeed ama midka dhaqaalle ee boqortooyada Qadar lagu hayo iminka.

Dunidu inta aysan arkin natiijada khilaafkaas aan dib u milicsano Sagaashameeyadii iyo waxa ku dhacay wadamadii Islaamka ahaa ee xilligaas quwadda lahaa ama kobaca sameynayey.

Libya: 1986 Kii Bam lagu weeraray Clup ku yiilay Berlin waxaa lagu eedeeyey in dolwdda Libya ay sameysay kiimikaadka falkaas loo adeegsaday.

Sidaasoo kale Bam isaga lagu weeraray Duulimaad diyaaradeed oo sumadeedu aheyd “103” Scotland na ka duushay waxaa lagu eedeeyey in kiimikaadkaas lagu sameeyey Libya, ugu dambeyn natiijadu waxa ay noqotay wadada ay maanta heyso Libya.

Afganistaan oo iyana aheyd dowlad awood leh xukun ismaali ahna uu kajiray xilligaas ilaa maanta beegsi Al- Qaeda waxa loogu yeero ayaa maanta sida aan aragnay ka dhigay, waa natiija kale oo tusaalle nool u noqon karta wada carbeed ee cadaadiska wadanka Qatar ku haya.
Iraq: waa dal kale oo dad Muslimiin ah ayku nool yihiin xukuumad islaami ah ayaa waligeed ka talinaysay ilaa maanta.

Aragtiyo is diidan oo la kala dhex dhigay bulshada wadankaas natiijadiisu waxa ay noqotay in qaraxyadii iyaga lagu eedeyn jiray in wadankooda lagu soo abaabulo qudhooda ay isku laayaan, wadadaas Soomaaliya ayaa heysa hadaan laga gaarin.
Aan dib ugu soo laabto billowga sheekadaydii. Qadar/Qatar maxaa lagu heystaa!

Aafadu kama horeyn markii madaxweynaha mareykanka D Trump uu booqday Sucuudiga, siyaasiyiinta Carabtu waxa ay sheegeen in Dowladda Sucuudiga dhag kale wax loogu sheegay sidaas ay xulufo ugu raadsatay in Qadar cuna qabateyn dhan walba ah la saaro.
Qatar/Qadar waxaa lagu eedeeyey in kaalmo joogta ah ay siiso waxa loogu yeero Al Qaeda balse iyana way ka dhaga adeygtay warkaas.
waxaa sii xoogeystay khilaafka ilaa wax ka badan Toban qodob oo shuruuda ah la hor dhigay boqortooyada Qadar, laakiin xujqdaas natiijo lagama gaarin.

Ujeedka Mareykanka ee ah in Qatar/Qadar la bur-buriyo waxaa la sheegaa in nafis u yahay warbaahinta CNN- ka ee qaranka Mareykanku leeyahay sidoo kalena Aljazeera lagu wiiqo awoodeeda baahineed iyo beegsiga Trump oo ah in uu ku faano waxaan ka adkaaday dowlada Al Qaeda taageerta.

Maxaa u dambeyn doona wadama hada Mareykanku adeegsanayo!

Mareykanku waxa uu ugu yeero Al Qaeda dunidaan waxa ayka dagaalamayeen Labaatan kii sano ee lasoo dhaafay weliba si xowli ah, ma fududa in la cirib tiro laakiin waa ay wadan badashaan oo kaliya.

Maxaa diidaya in wadamada hada Qadar ku eedeynaya in kooxaha Islaamiyiinta ah ay taageerto iyana bari lagu eedeeyo loona baabi’iyo qaabkii Qadar bur-burinteeda loo maray.

Waxaan tallo ahaan usoo jeedinayaa in dunidu aragto faragalinta Qarameed ee boqortooyada Qadar lagu hayo si dulmigaas uusan faafin oo dhabaha uusan ugu xaarin bur-burinta wadama kale oo Islaam ah.

Wadamada hada cadaadiska ku haya Qadar waxaan leeyahay cashar waxaa idin kugu filan tusaalayaashii loo maray markii la weerarayey oo la bur-burinayey wadamadii quwadda lahaa ee Islaamka.

Fikradaan waxa ay iga timid kadib daraasaad dheer oo aan ku sameeyey qaar kamida wadamada Islaamka ah ee weeraro loo geystay u bur-buray.

W/Q: Cali Aden Muumin

Email: [email protected]

Wixii fikrad ah ku soo dir: [email protected]