U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlay Kulanka Golaha Shacabka?

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah oo maanta kulan yeeshay ayaa warbixin ka dhageystay maamulka sare ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed (JUS).

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa faray guddiga arrimaha bulshada iyo guddiga maaliyadda ee Golaha Shacabka iney ka shaqeeyaan sidii miisaaniyadda loogu kordhin lahaa Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale waxaa mar kale la horgeeyay xildhibaanada Golaha Shacabka mashruuc sharci ku saabsan xuquuqda liil-tirka (dheyma nololeedka) siyaasiyiinta dowladda federaalka Soomaaliya oo maray aqrintiisa 2-aad.

Ugu dambeyn xildhibaanada ayaa loo qeybiyay hindise sharciyeedka wax ka bedelka hanti dhowrka guud ee Qaranka oo aqrintiisa 3-aad mari doono, hindisaha wax ka bedelka xeer hoosaadka Golaha Shacabka iyo warbixin maaliyeedka miisaaniyadda 2018.