U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlay Kulanka Madaxweyne Farmaajo Iyo Safiirka Imaaraadka?

Sheeko:Dalka

Wakaaladda wararka Imaaraadka ayaa sheegtay in uu jiray kulan gaar ah oo Villa Somalia ku dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Al Hammadi.

Sida ay qortay wakaaladda WAM,  kulankan waxaa xoogga lagu saaray xiriirka labada dal iyo qaakii lagu sii  horumarin lahaa.

Inta uu kulanka socday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu dowladda Imaaraadka, shacabka iyo madaxdaba uga mahadceliyay sida Abu-dhabi uga taageerto Soomaaliya arrimo badan, isaga oo ka sheekeeyay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu salaan u diray madaxda Imaaraadka sida Madaxweynaha Sheekh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, iyo mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Sheikh Maxamed bin Rashid Al Maktoum, madaxweyne ku-xigeenka, ra’isul wasaaraha iyo xaakimka Dubia, waxaa kale dadka la xusay ka mid ahaa Sheikh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.

Dhinaca kale, ambassador-ka Imaaraadka Maxamed Axmed Cusmaan Al Hammadi, waxaa uu madaxweyne Farmaajo uga mahadceliyay sida uu Imaaraadka u qadariyo, isaga oo ballan-qaaday in Abu-dhabi sii wadi-doonto taageerada ay siiso Muqdisho.

Isla todobaadkan Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Al Hammadi, waxaa uu kulan gaar ah la yeeshay taliyaha amniga, lama oga wax ay ka wada hadleen, iyada oo jirto in December 30, sanadkii tagay ciidamo ay Imaaraadka tababaraan weerar ku qaadeen guriga Senator Cabdi Qeybdiid, weerarkaasi oo baaritaankiisa socdo.

Xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya:

Sanadkii tagay, gaar ahaan wixii ka dambeeyay markii ay dowladda federaalka dhex-dhexaad ka noqtay xiisadda khaliijka, waxaa mugdi ku jiray xiriirka labada dhinac, in kasta uu madaxweyne Farmaajo tagay Imaaraadka carabta 2-jeer hadana ma caddeyn waxa laga wada hadlay iyo waxyaabaha heshiiska lagu yahay.

Dhinaca kale, doorashadii madaxweyne Farmaajo ee February  kadib, dalka Imaaraadka waxaa uu heshiisyo ganacsi iyo mid militari la galay Somaliland iyo Puntland, maamulka hore waxaa uu kula heshiiyay in dekadda Berbera lagu wareejiyo shirkadda DP World halka saldhig military la siiyay Isku Tagga Imaaraadka Carabta si ay u isticmaalaan Madaarka diyaaradaha ee Berbera, waxaa kale oo Puntland ay DP World ku wareejisay dekadda Boosaaso, Labada heshiis waxaa ansixiyay baarlamaannada labada maamul, weli lama oga mowqifka saxda ee dowladda federaalka ah.

Goobjoog News