U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlay Kulankii Golaha Amniga Ee Jubbaland?

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Xaalada guud ee amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ugu horayn kulanka lagaga hadlay iyadoo la sheegay in xaalada amnigu hada ay wanaagsan tahay.

Golahu wuxuu u mahadceliyay dhamaan dadkii usoo tacsiyeeyay Dowlad Goboleedka Jubbaland ee xanuunka la qabsaday waxaa kale oo laga hadlay qaabkii loo maarayn lahaa khasaaraha ka dhashay weerarka haday noqoto burbur hantiyeed iyo dadka dhaawacmay intaba.

Madaxweynaha ayaa magacaabay gudiga taakulaynta dadka wax ku noqday weerarkan Argagixiso kuwaas oo ka shaqayn doona sidoo loo caawin lahaa dadka dhibaatadu ay gaadhay iyo sidii gacan loogu fidin lahaa milkiilaha hotelka madiina oo ah shaqsi naafo ah oo dhaqaalahiisa u huray dalkiisa.

Qorshaha amniga doorashada ayaa la isku raacay in Dowlad Goboleedka Jubbaland ay si adag u sugayso amaanka doorashooyinka iyadoo dhamaan Ciidamada amaanka la galiyay heegan buuxa.

Waxaa kale oo laga hadlay in la kala saaro Siyaasada iyo amaanka oo nabadgalyada ayna mara Jubbaland gorgortan ka galaynin arimaha siyaasaduna ay leeyahiin wado loo maro balse amaanka cidii wax u dhinta gacan bir ah lagu qaban doono.

Golaha amniga Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo jeediyay in wacyi galin la siiyo Bulshada la xidhiidha sidii ay ciidamada amaanka ugu gacan siin lahayeen sugida amaanka sidii lagu yaqaanay si mar danbe dhibkan oo kale uuna usoo noqon.

Goobjoog News