U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlay Shirkii Maaliyadda Heer Federaal iyo Heer Gobol?

Sheeko:Dalka

Sii Hayaha wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta guddoomiyaya shirka wasiirada maaliyadda ee dowlada goboleedyada dalka iyo dowladda dhexe kaasi oo ku qabsoomay habka muqaalka fogaan arraga.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoogga loo saari lahaa hormarinta dhaqaalaha dalka  iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxeeyso wasaaradda maaliyadda heer federaal iyo heer gobol.

“Waxa markale inoo qabsoomay shirkii maaliyadda dalka ee u dhexeeyay wasiirada maaliyadda dowlad-goboleedyada iyo dowladda federal ka Soomaaliya.kaasi  aan had iyo jeer diiradda ku saarnaa horumarinta dhaqaalaha dalka iyo wada shaqeynta.”ayuu yiri wasiir Beyle

Sii hayaha wasiirka maaliyadda dalka Dr. cabdiraxmaan Ducaale bayle ayaa sheegay inay ka go’antahay  in si wadajir looga wadashaqeeyo kobsinta dhaqaalaha dalka.

Goobjoog News