U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Golaha Shacabka Ee Maanta?

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulankooda 15-aad ee Kalfadhiga 5-aad ku leeyihiin xaruntooda magaalada Muqdisho.

Xildhibaannada ayaa lagu soo wargeliyey in ajendaha kulankooda maanta uu yahay qodobadan kala ah:

  • U codeynta heshiiska caalamiga ah ee Naafada
  • Warbixinta khasaarooyinka loo geystay shirkadaha Soomaaliyeed ee Somtel iyo Hormuud
  • Akhrinta Labaad ee wax ka bedalka sharciga Saxaafadda

Ammaanka nawaaxiga xarunta golaha shacabka ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo la filayo in xildhibaannada inta joogat Muqdisho ay soo wada xaadiraan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News