U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Maanta Ay Yeelanayaan Xildhibaannada Golaha Shacabka?

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada Golaha shacabka ee  baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxay kulan ku leeyihiin xaruntooda magaalada Muqdisho, sida xalay lagu soo wargeliyey xildhibaannada.

Ajendaha golaha shacabka ayaa maanta ah Labo qodob, waxaana qodobka ugu horreeya yahay ansixinta xubin cusub oo kamid noqoneysa guddiga madaxa banaan ee hirgelinta Dastuurka.

Sidoo kale xildhibaannada ayaa waxaa la filayaa in loo qeybiyo wax ka bedalka xeer hoosaadka golaha shacabka, iyadoo intaasi kadibna ay ka doodi doonaan.

Arrinta ugu weyn ee doodda ku saabsan tahay ayaa ah soo xaadirista xildhibaannada golaha shacabka oo guddoonka golaha shacabka marar badan ka dalbaday xildhibaannada iney si koogta ah usoo shaqo galaan.

Warkaan wixii kusoo  kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News