U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Maanta Ee Golaha Aqalka Sare BFS

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in xaruntooda magaalada Muqdisho ay ku kulmaan mudanayaasha golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Sida wararka aan ku helnay, kulanka maanta ayaa ah mid ay mudanayaasha kaga hadli doonaan indise-sharciyeedka Hawlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Kulankan ayaa shalay u baaqday Kooram la’aan, hase ahaatee waxaa la filayaa in maanta uu soo dhammeystirmo kooramka golahan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News