U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Maanta Ee Xildhibaannada Golaha Shacabka?

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxa ay yeelan doonaan kulankoodii 25-aad ee Kalfadhiga 5-aad, iyadoo kulankan ka mid yahay kuwa caadiga ah ee xildhibaannadu yeeshaan.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah, akhrinta Labaad ee Hindise sharciyeedka Duulista hawada ee rayidka iyo sidoo kale akhrinta Saddexaad ee xisaab xirka sanadka 2017.

Sabatidii Todobaadkan, xildhibaannada golaha shacabka ayaa meelmariyey xeerka Saxaafadda, kaasi oo wax ka bedal lagu sameeyey.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News