U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Maanta Ee Xildhibaannada Golaha Shacabka?

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaliya ayaa maanta waxay kulan ku leeyihiin xaruntooda magaalada Muqdisho.

Kulankan waxaa markii ugu horreysay shir guddoomin doona guddoomiyaha cusub ee golahan, Maxamed Mursal Sheekh oo 30-kii April xilkan loo doortay.

Ajendaha shirka maanta ay leeyihiin golaha shacabka ayaa ah hab maamuuska xeerka lagu aas-aasay midowga Africa ee khuseeya baarlamaanada Africa, kaasi oo shalay anisixyeen golaha wasiirada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News