U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadli Doonaa Kulanka Maanta Ee Golaha Shacabka?

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxay kulan ku leeyihiin xaruntooda magaalada Muqdisho.

Habeenkii xalay ahaa ayaa lagu wargeliyey xildhibaannada in maanta uu jiro kulankaan, islamarkaana inta joogta ay soo wada xaadiraan.

Ajendaha kulanka maanta ee golaha shacabka ayaa ah Akhrinta 1aad  ee Hindise Sharciyeedka jaangooynta iyo tayadhawrka Soomaaliyeed iyo sidoo kale  ka doodista xisaab xirka miisaaniyadda dowladda ee Sanada 2017.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News