U bood dhigaalka

Maxaa Saakay Ka Cusub Magaalada Gaalkacyo?

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in saakay halkaasi laga dareemayo deganaanshiyo aan cago badan ku taagneen, kadib dagaallo maalmo socday oo ka dhacay magaaladaasi.

Ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa lagu soo waramayaa iney isku horfadhiyaan galbeedka magaalada Gaalkacyo, iyadoo xilli walbo halkaasi laga filan karo isku dhacyo Labada dhinac ah, maadaama aaney jirin cid kala dhexgashay.

Waxgaradka magaalada Gaalkacyo ayaa ku guul dareystay kala qaadista ciidanka ku dagaallamaya magaaladaasi, waxaana burburay wada hadallo socday.

Dhammaan shacabkii ku dhaqnaa xaafadaha lagu dagaallamay ee magaalada Gaalkacyo ayaa halkaasi isaga barakacay kadib markii ay ka baqeen in waxyeello kasoo gaarto dagaallada ka soconaya magaaladaasi.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa wada dedaal lagu dhex dhexaadinayo maamullada Puntland iyo Galmudug, inkastoo weli aaney jirin xabad joojin Labada dhinac ay ku kala dhowaaqeen.

Goobjoog News