U bood dhigaalka

Maxaa Saakay Ka Jira Magaalada Gaalkacyo?

Sheeko:Dalka

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa saakay jawi ahaan ah mid ka deggan maalmihii lasoo dhaafay oo halkaasi dagaallo ay ka dhaceen.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News in saakay aaney jirin wax rasaas ah oo la maqlayo, balse ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa isku horfadhiya galbeedka magaaladaasi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay jirto dhaq dhaqaaqyo ay kala wadaan ciidankii ku dagaallamay Gaalkacyo, iyadoo shacabka ay ka baqayaan in dagaallo kale ay dhacaan.

Ugu yaraan 10 qof oo shacab u badan ayaa dagaalkii shalay ka dhacay ku geeriyootay, sidoo kalena waxaa dagaalkaasi ku dhaawacmay 15 qof.

Inta badan shacabka ku dhaqan Gaalkacyo ayaa ka barakacay magaaladaasi, waxaana shacabka ay ka baqeen in dhibaato ay soo gaarto.

Ma jirto weli cid si rasmi ah u kala dhexgashay dhinacyadan ku dagaallamay Gaalkacyo, marka laga reebo baaqyo nabadeed oo loo jeediyey.

Goobjoog News