Maxaa Sabab u Ah In Ay Yaraadaan Haweenka Wax Ka Dhiga Jaamacadaha Dalka?
Gabdhaha macalimiintaka ah jaamacadaha ku yaalla Soomaaliya ayaa ka yar tirada ragga macallimiinta ah qiyaas ku dhaw %99(boqolkiiba sagaal iyo sagaashan)arrintaasina waxa cabasho ka sheegayana haweenka macalinimada u diyaarsan inay macalimiin noqdaan.
Jaamacadaha Soomaaliya ka jira oo gaaraya 200 oo jaamacadood oo badankoodu ah kuwa gaar loo leeyahay tiro ka yar 20 haween ah ayaa ka ah macallimiin , jaamacadahaasi waxayka dhigaan maadooyin la mid ah kuwa ay raggu ka bixiyaan jaamacadaha .
Tiro yaraanta haweenka macallimiinta jaamacadaha ka ah ayaa sabab looga dhigayaa in haweenku marka horeba ay raggu kaga badan yihiin waxbarashada taasina ay caqabad ku noqonayso in haweenaydii ay ku dhiirato inay ragga wax baraan iyo in ragga masuulka ka ah jaamacaduhu iyaga laftoodu ayna fursad u siinin haweenayda inay Bare ka noqoto jaamacadda .
Raaqiyo Cismaan waxay macallimad cilmiga umulisonimada ka dhigtaa jaamacadda Edna Aadan ee magaalada Ceerigaabo Raaqiyo oo ah haweenayda kaliya ee deegaanka Sanaag ka ah macallin jaamacadeed waxay aaminsantahay in ragga oo masuul ka ah jaamacadaha dhammaantood ayna fursad siinin dumarka isla markaana ayna tijaabin awoodooda macallin-nimo” Anigu waxaan qabaa in haweenka oo laga yaabo inay rag badan waxbarashada kaga fiican yihiin inta ardayda la yahay hadana nasiib darro ayna iyagu ahayn kuwa goobaha waxbarista oo ay jaamacaduhuna ugu muhiimsan yihiin wax ka dhigaaya” ayey tiri Macallin Raaqiyo oo Ceerigaabo ku sugan.
Haweenayda rabta inay macallin- jaamacadeed noqoto waxay duruufo badan oo ay hooyonimada iyo arrinta dhaqanka Soomaalid oo isaga laftiisuna doorkiisa caqabad ku ah ay la qabtaa haweenayda kale ee caadiga ah, Samsam Siciid Maxamed oo afartii sanno ee u dambeeyey Bare- jaamacadeed ka ahayd magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso iyada iyo xubno kale oo u dhaq-dhaqaaqa dhiirigelinta horumarka bulsho ee ay haweenku sameeyaan waxay cilmi-baaris ay ku sameeyeen arrinta tiro yaraanta macalimiinta haweenka ah ku soo ogaadeen , in haweenayda lafteedu qayb ka tahay arrintan.
Samsam iyo kooxda kale ee la samaysay xog baarista oo tirakoobka ah in boqolkiiba hal wax ku dhaw ay dumarku ka yihiin macalimiinta jaamacadaha soo ogaaday iyada oo sii sharaxaysa waxay sheegtay inaan haweenku isku dhiirigelin inay qayb ka qaataan goobaha bulshada ay saamaynta kaga yeelan karaan oo ay jaamacaduhuna kaalinta koobaad kaga jiraan madaama dadkii wax hogaaminaayey dhinackasta ay halkaasi ka soo baxayaan.
Gabadhaha oo jaamcadaha wax ka dhigaa waxay muhiim u yihiin inay gabadhaha ardayda ah ay waxbarasdha heersare ka gaaraan sida inay sameeyana shahaadooyin dhaafsiisan heerka koobaad oo ah ka inta badan haweenka wax bartaa ay aqoonta ku hakiyaan” in la helo haweenay macallimad ah oo gabdhihii ardayda ahaa la hadlaysa waxay sababaysaa inay iyaguna ku sii dhiiradaan macallinkii marka loo fiiriyo inay nin uu macallin u noqdo “ ayey sheegtay Samsam Siciid Maxamed .
Jaamacadaha Soomaalida oo dhan waxa maamulka rag taasina waxay qayb ka tahay inay haweenku fursad ka heli waayaan sidaasi waxa qaba Nageeye Cali Khaliif oo macallin ka ah jaamacado ku yaalla Hargeysa , Nageeye oo soo dhaweynaya in la helo tiro badan oo haween macalimiin ah waxa uu xal u arkaa in si loo helo arrintaasi haweenka laga qayb-geliyo maamulka jaamacadaha “ waan ognahay oo ragga maamulayaasha ka ah , sababtuna waxa weeye ninkasta oo jaamacad maamulka ah nin kale oo ay saaxiibo yihiin ama uu waxbarashadiisa ogaa ayuu u yeeranaya laakiin haddii ay haweenku maamulka jaamacadaha ku jiri lahaayeen tiradu sidan may ahaateen”
Arrinta kale ee xusida mudani waxay tahay in haween jaamacado shaqo ka helay ka dib markii ay caqabado ay ka mid yihiin u dhaga nug laan la’aan kala kulmeen ardayda oo rag u badan ay ka tageen shaqadii siday sheegtay Raaqiyo cusmaan .
Sida lagu sheegay cilmi baaris sannadkii 2014-kii laga sameeyey tirada macalimiinta ka ah jaamacadaha dalalka Kenya iyo Ethiopia oo ay ladaba Soomaaliya jaar yihiin in ku dhaw %39.9 ayaa ah haween wax ka dhiga jaamacadaha gaar ahaan darajooyinka heerka koobaad/Degree iyo ka labaad ee Master-ka
W/D: Cumar Seerbiya
Goobjoog News