U bood dhigaalka

Maxaa Sababa Soo Noqnoqoshada Cudurka Shuban Biyoodka Ee Sh/dhexe?

Sheeko:Caafimaadka

20 qof ayaa xanuunka shubanka ugu geeriyootay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe , waxayna 20-ka qof qayb ka yihiin ku dhawaad 200 oo ruux oo uu xanuunkani soo ritay Labadii Todobaad ee u dambeeyey.

Dadkan oo iskugu jira carruur iyo waayeel waxay ku kala xanuunsadeen deegaanno ka tirsan degmooyinka Jowhar,  Mahadaay , Banaaney, Buurfuule iyo Xudur Ciise.

Deegaanka Diinlaawe oo ka tirsan degmada Mahadaay waxaa  lasoo sheegayaa in ay shubanka ugu geeriyoodeen 13 qof oo aan goobo caafimaad la geynin intaasna ay ka sii badan karto tirade dadka geeriyooday .

Xaafado ka tirsan magaalada Jowhar xanuunku waxa uu kusoo ritey tiro dad ah waxaana waqtigan qaarkood lagu daweynayaa  Cisbitaalka guud ee Jowhar  iyada oo saacadihii u dambeeyey ay shubanka u geeriyoodeen oday waayeel ah iyo wiil ka yar da’da Toban sano jirka Labaduba la xanuunsanaa shubanka.

Inkasta  oo xarumaha caafimaadka iyo dadka deegaanku ay sheegayaan inuu   heerka uu shubanku   ka gaaray  deegaanka waqtigan ay tahay mid aan hore u dhicin xasuustooda haddana sannadkasta  waxa jira xaalado  uu abuuro shubanku oo qaarkood sidan oo kale dhimasho sababa  Dr Shucayb Cumar Maxamed oo ka mid ah dhakhaatiirta cusbitaalka Jowhar  ayaa Goobjoognews u sharaxay  sababta uu shubanku ugu soo nsoq-noqdo deegaanada Shabeelaha dhexe waxaanu qaybta ugu weyn u aaneeyey nadaafada deegaanka oo aan laga shaqaynin.

Dr Shucayb waxa uu sheegay in madaama deegaanadaasi uu maro Webigu isla markaana dadka ku nool dhulka baadiyuha oo aan Musqulo isticmaalin ay biyaha  webigu  soo qaadayaan Saxarada iyo qashinka kale ka dibna ay dadkuu cabayaan biyihii Webigoo soo gaaraya ilaa magaalooyinka “ dadka baadiyuhu ma adeegsadaan Musqulo , sidaasi darteed Saxaradii ayuu soo qaadayaan biyaha webigu  madaama y biyihii webiguna soconayaan iyaguna deegaano badan ayey gaarayaan , oo ay ugu badan yihiin dadka beeraleyda ahi madaama ay iyagu(Beeraleydu) ay si joogto ah u isticmaalaan  biyaha webiga”. Ayuu yiri Dr Shucayb Cumar Maxamed oo ka mid ah maamulka cusbitaalka Jowhar.

Si looga hortago in sannadkasta ay dad u geeriyoodaan shubanka tiro kalena muddo ay la xanuunsanaato Dr Shucayb waxa uu xalka u arkaa in  deegaanadaasi laga sameeyo wacyigelin ku saabsan in dadku musqulo u adeegsadaan meelo ka  fog Webiga  iyo in biyaha webiga lagu daro dawooyin caafimaad ahaan ka hor tagaaya shuban dilaaca.

Goobjoog News