U bood dhigaalka

Maxaa Sababay Iscasilaadda Madaxweynaha South Africa?

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha South Africa oo xalay saqdii dhexe si toos ah ula hadlayey shacabka reer South Africa ayaa ku dhawaaqay in uu iscasiley, kursigana uu si dhakhso ah u bannayn doono. “waxa aan gaarey go’aan ah inaan iscasilo,” ayaa uu yiri Jacop Zuma.

Jacop Zuma waxa uu kamid ahaa gobonnimo-u-dirirkii waddanka South Africa wakhtigii uu haystey gumaystaha caddaanka ah. Sannadkii 1959-kii ayaa uu Jacob ku biiray xisbiga uu hadda ka tirsan yahay ee African National Congress (ANC). Muddo ka dibna, xukuumaddii caddaanka ahayd ee dalkiisa ka talinaysey ayaa ku eedaysay in uu qayb ka ahaa qorshe lagu doonayey in lagu inqilaabo xukuumaddii caddaanka. Dabadeed, 10 sanno ayaa uu xabsi ku jirey, waxana isku meel ku xirnaa isaga iyo Aabbihii gobonnimada South Africa mudane Nelson Mandela.

Xornimadii ka dib, Zuma waxa uu sannadkii 1999-kii noqday Madaxweyne Kuxigeenka South Africa. Sannadkii 2005 ayaa Madaxweynihii wakhtigaa mudane Thabo Mbeki jagadii Madaxweyne Kuxigeen ka cayriyey Zuma, ka dib markii La-taliyihiisii maaliyadda lagu eedeeyey in uu laaluush u fududeeyey Zuma.

Si kastaba ha ahaatee, sannadkii 2007 ayaa Zuma loo doortay Madaxweynaha Xisbiga ANC, sannadkii 2009-kiina waxa loo doortay Madaxweynaha South Africa.

Maxaa keenay iscasilaadda Jacop Zuma?

Madaxweyne Jacop Zuma si fudud iskuma uusan casilin maaddaama oo uu ahaa nin madax-adag oo ka badbaadey dhowr mooshin oo lagu doonayey in xilka lagaga xayuubiyo. Doorkan se, Madaxweynuhu doorasho kale ma uusan haysan maaddaama oo uu cadaadis xooggan kala kulmay xisbiyada mucaaradka iyo weliba xisbigiisa Afircan National Congress (ANC).

Sababaha keenay iscasilaadda Madaxweynuhu waxa ay iskugu biyashubanayaan eedaymo tiro badan oo musuqmaasuq oo Madaxweynaha loo soo jeediyey. In ka badan 780 oo eedaymo musuqmaasuq ah ayaa uu Madaxweynuhu wajahayaa. Sidoo kale, muddadii uu Zuma hayey talada South Africa, waddanku koboc dhaqaale oo la sheegi karo ma uusan samayn, saboolnimada iyo shaqala’aantuna waa ay sii badatay.

Kiiskii musuqmaasuq ee ugu xoogganaa ee gallaaftay Madaxweyne Zuma waa kan la xiriira qoyska Gupta ee asal ahaan Hindida ah. Qoyska Gupta waa qoys hodon ah oo sagaashanaadkii u soo guurey waddanka South Africa, halkaasna ka abuuray ganacsi ballaadhan oo dhinacyo badan. Qoyskani waxa uu ilaa iyo sannadkii 2003 xiriir fiican la lahaa Madaxweynaha South Africa, waxana lagu eedeeyaa inay saamayn xooggan ku leeyihiin go’aamada Madaxweynaha heer ay gaareen in ay keensadaan qayb kamid ah Golaha Wasiirrada si ay u ilaashadaan danahooda ganacsi ee dalkaas.

Shalay Arbacadii ayaa Booliiska South Africa galeen guriga qoyskan, halkaas oo ay ka soo qabteen dhowr qof oo uu ku jiro xubin kamid ah Qoyska Gupta. Madaxweyne Zuma waxa lagu eedeeyaa in uu qoyskan siiyey saamayn ballaadhan iyo in uu u fududeeyey qandaraasyo badan.

Sidoo kale, Madaxweynaha waxa lagu eedeeyey in uu lacagta dawladda u adeegsadey dhisidda qasri weyn oo uu ka dhisanayo baadiyaha tuuladiisa Nkandla. Bishii December ee sannadkii dhawaa ayaa Maxkamad Dastuuri ah xukuntay in Baarlamaanku ku fashilmay la-xisaabtanka Madaxweyne Zuma ee arrinta ku saabsan lacagta uu gurigan ku dhisanayo.

Bishii April ee 2016-kii ayaa sidoo kale Maxkamad xukuntay in Zuma uu ku guuldarraystay ilaalinta iyo ixtiraamidda Dastuurka dalka.

Eedaymahan tirada badan ee musuqmaasuqa la xiriira awgood, Xisbiga ANC ee xukunka dalka haya waxa uu ku khasbanaaday in uu Jacop Zuma ku cadaadiyo in uu iscasilo. Sababta ay iscasilaaddan Madaxweynaha uga dalbadeen waa in ay ka cabsadeen in shacabka reer South Africa ay u codayn waayaan xisbiga ANC doorashada soo socota, sidaasna uu xisbigu ku guuldarraysto. Talaadadii dhawayd ayaa  Guddiga Sare ee Xisbiga ANC madaxweynaha u qabteen 48 saacadood si uu isku casilo. Jacop Zuma waase ka dhega-adaygay soojeedintan uu xisbigiisu u soo jeediyey, waxana uu ku dooday in uu xilkiisa dhammaysanayo, wax danbi ahna aanu falin.

Hase yeeshee, Arbacadii shalay ayaa xisbiga ANC ku dhawaaqay inay taageeri doonaan mooshin khamiista maanta ah lagu ballansanaa oo ay soo jeediyeen Xisbiyada Mucaaradka South Africa, waxa ayna ballanqaadeen in sidaas lagaga xayuubin doono xilka Madaxweynennimo mudane Jacop maaddaama oo uu diidey in uu iscasilo.

Jacop Zuma oo ka cabsaday in la bahdilo isla markaana xilka cod lagaga qaado ayaa go’aansaday in uu jagada banneeyo.

Xalay saqdii dhexe ayaa uu warbaahinta South Africa la hadlay isaga oo sheegay in aannu iscasileen balse uu ka cabsanayo in magaciisa dhiig ku daato, xisbigiisuna dartii u kala qaybsamo. Zuma waa uu isdifaacey waxa uuna sheegay inaannu wax khalad ah samayn. Ugu danbayntii, Madaxweynuhu waxa uu shacabka reer South Africa u ballanqaaday in uu inta uu nool yahay u shaqayn doono qarankiisa iyo weliba xisbigiisa ANC.

Guud ahaan dadka reer South Africa waa ay ku farxeen soona dhaweeyeen iscasilaadda Madaxweynaha maaddaama oo ay u arkayeen in uu sabab u ahaa dibudhaca South Africa.

Ayax teg, eedse reeb!

Zuma waa uu tegey, waxase falanqeeyayaasha siyaasadda South Africa sheegayaan in waddanku uu xaalad adag wajahayo. Kuxigeenkii Zuma iyo weliba Madaxweynaha ANC mudane Cyril Ramahosa ayaa la filayaa in uu la wareego talada dalka. Cyril waxaa u taalla hawl adag. Ka hor intaan la gaarin doorashooyinka 2019-na waxa la gudboon in uu xisbigiisa ANC mideeyo una diyaariyo tartanka soo socda. Sidoo kale, mudane Cyril Ramahosa waxa la gudboon in uu nidaamka dawladda ka nadiifiyo musuqmaasuqa hareeyey iyo siyaasiyiinta calooshood-u-shaqaystayaasha ah ee uu ka tegi doono Madaxweyne Zuma.

Dadka reer South Africa waxa ay rajo weyn ka qabaan Cyril Ramahosa, maaddaama oo ay u arkaan nin aad u fahansan nidaamka dawladnimo isla markaana neceb musuqmaasuqa. Ramahosa, waxa uu hore u ahaa hoggaamiye ururro ganacsi, markii danbena waxa uu noqday maalqabeen weyn.

Goobjoog News