U bood dhigaalka

Maxaa Sababay Rabshadaha Ka Dhacay Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo?

Sheeko:Dalka

Tan iyo markii ay dhammaatay codbixinta doorashada Somaliland waxa si wayn looga dhur sugaayay natiijada codbixinta doorashada oo guddida doorashadu ay sheegeen in ku dhawaaqisteedu ay qaadan karto shan illaa lix maalmood wallow markii dambe ay guddida doorashadu sheegeen in aanay jirin wakhti sugan oo ay dadka u ballan-qaadayaan ku dhawaaqista natiijada doorashada.

Wixii intaas ka dambeeyay waxa soo if baxay warar sheegaya in xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI ay yihiin labada xisbi ee sida wayn iskuugu dhow doorashada inkasta oo guddida doorashadu ay shacabka uga digeen waxa ay ku sheegeen wararka been abuurka ah ee doorashada laga faafinayo.

November 14, 2017: Guddoomiyaha kumeel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa sheegay in masuuliyiin ka tirsan xisbigaasi la xidh-xidhay halka kuwo kalena uu sheegay in jidh-dil lagu sameeyay isagoo intaasi ku daray in xeerkii lagu tuntay sida muraaqibiintoodii oo meelaha qaar laga saaray, handadaad loo gaystay wakiilada xisbigooda iyo goobaha qaar ee codaynta oo uu sheegay in ay galeen badhasaabyo ka tirsan xukuumadda.

November 15, 2017: xisbiyada uga digtay in ay sameeyaan dabbaa-degyo ay ku sheeganayaan in ay guulaysteen. Afhayeenka guddidaasi Siciid Cali Muuse ayaa yidhi; waxa jira warar kale oo soo baxaaya oo aanu horay uga dignay xisbiyada imikana aanu uga sii digayno waxa weeye wararkaasi in la samaynayo dabbaal-degyo dabbaal-degyadaasi oo xisbi weliba uu leeyahay annagaa ku guulaysanay”.

November 15, 2017: Afhayeenka xisbiga KULMIYE Xassan Gaafaadhe oo uu weheliye xoghayaha xisbigaasi Xassan Siciid ayaa isagoo la hadlaayay taageerayaasha xisbigaasi yidhi; “Waxaynu garanaynaa guushu cidda ay raacday waxay se aynu sugaynaa in uu si xalaal ah oo kama dambeys ah uu ugu dhawaaqo kommishanka doorashooyinka qaranku”.

November 15, 2017:  Korjoogayaasha maxalliga ah ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in masuuliyiintii ka tirsan xisbiga Waddani laga saaray laba goobood oo ay ka socotay codbixinta doorashada Somaliland labadaas goobood oo ah magaalada Hargeysa.

November 16, 2017: Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in ay weli socoto tirinta codadka doorashada isla markaana ay tirintoodu dhammaatay degmooyinka qaar.

November 16, 2017: Masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay joojiyeen wada-shaqayntii ay la lahaayeen guddida doorashooyinka Somaliland kaddib markii ay ka jawaabi waayeen cabashooyin ay u gudbiyeen.

Dr. Maxamed Yaasiin, Cismaan Afgaab iyo Xuseen Axmed Caydiid oo ah xubnaha xisbiga Waddani u qaabilsan Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa soo bandhigay waraaqo ay ku sheegeen kuwo been-abuur ah oo lagu codeeyay doorashada iyagoona sheegay in deegaanada qaar lagu shubtay Doorashada.

Waxay sheegeen masuuliyiinta xisbiga Waddani in shirkadda soo daabacday waraaqaha codaynta doorashada Somaliland oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ay soo daabacday isla waraaqahan kale ee ay ku sheegeen been abuurka.

Wixii intaas ka dambeeyay waxa magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo Ceerigaabo ka dhacay rabshado ay dhigeen dad taageersan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani kuwaasi oo sababay khasaare nafood oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Agaasimaha cisbitaalka magaalada Burco ayaa habeennimadii xalay ee 16 bishan November ayaa Goobjoog News u sheegay in cisbitaalka magaalada Burco lasoo gaadhsiiyay dhimashada hal ruux iyo dhaawacaa lix ruux oo kale oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsan booliska oo iyagu doonayay in ay rabshadaha ka hor tagaan. Inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in dhimashadu ay ka badan tahay hal ruux.

Isla (November 16, 2017) waxa magaalada Hargeysa warbaahinta kula hadlay musharraxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro isagoona sheegay in ay aqbali doonnaan doorasho xor oo xalaal ah hase ahaatee aanay aqbali doonnin cod xaaraan ah in ay cidina ku badiso – waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan sheegayaa inaan aqbalayno doorasho xor oo xalaal ah hasa yeeshee aanan aqbali doonnin cod xaaraan ah inay cidina ku badiso” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Sidoo kale, isla habeenkaas waxa warbaahinta la hadlay taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee Somaliland, Taliyaha Ciidanka booliska Jeneraal Cabdillaahi Fadal Iimaan, Taliyaha Ciidanka Millatariga Jeneraal Nuux Ismaaciil Taani iyo Taliyaha ciidanka Asluubta Jeneraal Maxamed Cismaan Caalin (Xudhuun) iyagoona  shacabka ugu baaqay  in nabad-galyada la ilaaliyo isla markaana sheegay in ciddii nabad-galyada wax u dhinta ay gacan adag oo sharciga waafaqsan ay marin doonnaan.

Ugu dambeyntii, xaaladda magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo ayaa wixiii intaas ka dambeeyay noqotay mid xasilloon oo sideedii hore kusoo noqotay, waxaana xusid mudan in guddida doorashooyinka Somaliland ay sheegeen in cid kasta oo cabasho qabta ay qaabili doonnaan.

Khaalid Foodhaadhi, Goobjoog News, Hargeisa