U bood dhigaalka

Maxaa Sababay Xilka Qaadista Gudoonkii Gobolka Shabeelaha Hoose…?

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose, umagacaabay Maxamed Cabdiraxiim Nuur, waxana xilkii uuka qaaday gudoomiyihii gobolka Cabduqaadir Sidii.

Laftagareen ayaa sidoo kale waxa uu Axmed Cumar Maxamed umagcaabay gudoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka Shabeelaha hoose, waxana xilka laga qaaday Cabdi Axmed Afar sheegle.

Xilka qaadistan ayaa kusoo adaysa iyada oo Gobolka Shabeelaha Hoose ay ka jirto cabasho ay beelaha qaar ka qabaan saami qaybsiga maamulka, waxana dhowaan magaalada Baraawe ee caasimadda koofur Galbed ka dhacay dibad bax looga soo horjeedo habka loo maray dhismaha Golaha deegaanka Caasimadda.

 

GOOBJOOG NEWS.