U bood dhigaalka

Maxaa u Qabsoomay Dowladda Federaalka Todobaadkii Tagay?

Sheeko:Dalka

Mogadishu, 23 May 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Dowladda oo u gurmatay Qaxootiga Yemen, Dardargelinta barnaamijka Xasilinta Dalka, Dardargelinta barnaamijka Isku-dhafka Ciidanka, Gacan Ku dhiigle Al-Shabaab ah oo xukun dil ah lagu fuliyey, Dowladda oo dhiiriglineysa Farshaxanka iyo Dhaqanka, Garoonka Diyaaradaha ee No. 50 oo dib loo furay, Suuq-weyn oo laga hirgeliyey Baydhabo, iyo Bankiga Premiere oo xariga laga jaray.

Dowladda oo u gurmatay Qaxootiga Yemen

Dowladda Federaalka ayaa bilowday qorshe loogu gurmanayo Soomaalida qaxootiga ah ee ka soo cararaya Yemen. Golaha Baarlamaanka ayaa xubnaha baarlamaanka ka aruriyey lacag loogu gurmanayo dadka wallaalaha ah ee ka soo qaxaya Yemen. Baarlamaanka ayaa 300,000 oo dollar ugu deeqay gurmadkan isla markaasna kireeyey Markab soo daad gureyn kara 100 qof markiiba. Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa isku qoray qoondo uu Wasiir walba mushaarkiisa ka goynaya 1000 dollar si dadkaas loogu gurmado. Madaxweynaha ayaa dhowaan shir guddoomiyey kulan ay isagu yimaadeen Guddiga Badbaadinta iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Dalka Yemen iyadoo uu Ra’iisul Wasaaruhu goob joog ahaa. Ujeedada ayaa aheyd sidii loo dardargelin lahaa in dadkaas wax loo qabto. Sidoo kale Guddiga Badbaadinta iyo Samatabixinta ayaa bilaabay barnaamij lacag ururin ah oo SNTV iyo Raadiyo Muqdisho si toos ah bulshada looga dalbanayey inay kaalin ka qaataan gurmadkaas. Shirkadda Hormud Foundation ayaa ugu Deeqay deeq lacageed oo gaareysa 100,000 (boqol kun oo dolar) oo loogu talo galay in lagu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Dalka Yemen. Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale u dirtey diyaarado soo daadgureeya qaxootigaas. 18kii May ayaa diyaarad ay saarnaayeen 95 ruux ay soo gaartay Muqdisho, dadkaas oo ahaa qaxootigii Soomaaliyeed ee Yemen oo ay Dowladda Federaalka gurmadka u fidisay.

Dardargelinta barnaamijka Xasilinta Dalka

Ciidanka Amniga ee Dowladda Federaalka ayaa 20kii May fulisay howlgal oo ay si wada jir ah u fulinayeen ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda, Ciidanka Booliska iyo kuwa AMISOM. Howlgalkan ayaa ka dhacay warshaddii hore ee Baastada, Xaafadda Dabaqeynka, Suuqa Xoolaha ee Degmada Yaaqshiid iyo goobo kale. Ciidamada wada jirka ah ayaa isku gedaamay jidadka iyo xaafadaha, iyagoo mid mid u baarayay guryaha si looga soo saaro dad la tuhunsanaa in ay ku dhuumaaleysanayaan xaafadahaas. Baritaankan ayaa ka dambeyay xog ay heleen hay’adaha amniga, kaas oo muujinayay macluumaadyo ka digayay kooxo ka tirsan UGUS oo abaabulayay falal ammaanka magaalada Muqdisho lagu qal qalgelinaya. Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalkaaasi lagu soo qabqabtay shan ruux oo la tuhunsayahay in ay ka tirsanyihiin kooxda UGUS, isla markaana xoriyaddooda dib loogu celiyay dad kale oo howlgalka intii lagu guda jiray lasoo qabqabtay. Howlgalkan ayaa qeyb ka ahaa howlgallo balaaran oo ciidamada ammaanku ka wadaan magaalada Muqdisho, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho, waxaana dib xoriyaddooda u helay qaar ka mid ah kuwa howlgalka lagu soo qabtay kaddib markii lagu waayay kiisaskii loo heystay.

Dardargelinta barnaamijka Isku-dhafka Ciidanka

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa toddobaadkan gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland oo uu kala hadlayey sidii loo dardargelin lahaa barnaamijka Isku dhafka Ciidnka Qaranka Soomaaliyeed. Dowladda Federaalka ayaa dhowaan guddi u xil saartay ka howlgala sidii Ciidanka Qaranka loo mideyn lahaa isla markaasna loo tayeyn lahaa. Wasiirka ayaa Maamulka Jubbaland kala hadlayey sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen barnaamijkan ee ku aadan kaalintooda dhismaha ciidanka Qaran ee la dhisayo.

Gacan Ku dhiigle Al-Shabaab ah oo xukun dil ah lagu fuliyey

Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa 19kii May 2015 xukun dil ah ku fulisay gacan ku dhiigle ka tirsanaa kooxda nabad diidka ah ee UGUS kaas oo lagu magacaabi jirey Siraaji C/laahi Cumar oo kooxda UGUS dhexdeeda loogu yeeri jirey Hanad, oo horey weerar ku soo qaaday xarunta Madaxtooyada maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ee magaalada Baydhabo, isagoo wata gaari lagu soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana weerarkaasi ku geeriyootay saddex askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. 15/04/2015 ayaa Maxkamadda waxaa ay xukun dil ah ku riday Hanad iyadoo 19 May 2015 xukunkaasi lagu fuliyay. Ciidamada Amniga ayaa fagaare ku yaala magaalada Baydhabo ku fuliyay xukunka toogashada ah. Goobta xukunkan lagu fuliyay ayaa waxaa joogay gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Liibaan Cali Yaro, gudoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute, Taliyaha qeybta 60 aad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliya Janaraal Ibraahim Yarow iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur galeed ee dalka. Waa xukunkii ugu horeeyay oo maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ay ku fuliso magaalada Baydhabo, waxaana mas’uuliyiinta maxkamadda ciidanka qalabka sida inta ay joogaan magaalada Baydhabo ay wacyigelin u sameyn doonaan ciidanka qalabka sida ee deegaanadaasi ku sugan.

Dowladda oo dhiiriglineysa Farshaxanka iyo Dhaqanka

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska oo kaashaneysa Hobollada Waaberi ayaa 18kii May 2015 waxey tababar u bilaabeen 20 dhalinyaro oo fananiinta da’da yar ah oo ay ku baranayaan sida loo sameeyo sawirada farshaxanka, garaacista miyuusikadda iyo heesaha si ay uga qeyb qaataan wacyigelinta bulshada. Furitankii tababarkan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Warfafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, wasiirku xigeenka Wasaaradda, agaasimaha guud iyo xubno ka socday fanaaniinta hoboladda Waabari oo tababarkan soo qaban qaabiyey. Agasimaha Fanaaniinta eegay in loo soo xuley dhalinyarrada iney bartaan tababar Muusik iyo mid farshaxan si ay uga qeyb qaataan wacyigelinta dadka Soomaaliyeed ee dhanka farshaxanka iyo fanka. Agaasime Bahlawi ayaa sheegay in Barnaamijkan uu socon doono mudo sedex bilood ah. Wasiirka Wasaaradda Warfafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ugu dambeyn tababarkan si rasmi ah u furey kulana dardaarmay dhalinyarada in ay ka faa’idaystan fursadani. Dhalinyaradan oo tababarka u furmay ayaa qeyb ka noqon doona howlaha wacyigelinta bulshada oo ay wadaan fanaaniinta Soomaaliyeed.

Garoonka Diyaaradaha ee No. 50 oo dib loo furay

Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa 17kii May 2015 dib u howlgeliyay garoonka No. 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi uu si rasmi ah u furay Wasiirka Gaadiidka ee Maamulka K/galbeed Mudane Cabdullaai Black, isagoo shaaciyay in wixii hadda ka dambeeya uu garoonka furanyahay. Munaasabadii lagu furayay garoonka N0 50 waxaa qeyb galay Wasiir, Wasiir ku-xigeenno, Guddoomiyaha Degmada Marka, saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM iyo mas’uuliyiin kale. Maamulka Koofur Galbeed ayaa wada dadaallo lagu dayactirayo garoomadii diyaaradaha ee deegaanka sida kan No. 50, kan magaalada Baraawe, iyo garoonka Baydhabo.

Suuq-weyn oo laga hirgeliyey Baydhabo

21kii May 2015 ayaa Munaasabad xariga looga jarayey suuq weyn oo bilihii ugu dambeeyay dhismihiisu uu ka soconayay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa furitaankiisa kasoo qeybgalay qeybaha bulshada gobolka Baay iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Koonfur Galbeed C/raxmaan Ibraahim Aadan iyo xubno kale oo ka socday hay’adda ILO oo mashuuracan hirgelisay iyadoo kaashaneysa dowladda Japan. Suuqan ayaa loogu talogalay in ay ku ganacasadaan dadka dib uga soo noqonayo xeryaha qaxootiga Soomaalida ee dalalka Yemen iyo Kenya kuwaasoo ay hay’adda ILO horay ganacsiyo yar yar uga hirgelisay magaalada Baydhabo. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka koonfur Galbeed C/raxmaan Ibraahim Aadan Sate ayaa hay’adda ILO iyo dawlada Japan uga Mahad celiyey suuqan oo ah mid ay baahi weyn u qabeen dadka reer Baydhabo.

Bankiga Premiere oo xariga laga jaray

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 21kii May 2015 xariga ka jaray Bankiga Premiere oo bixinaya adeegyo caalami ah oo aan waddanka horay looga heli jirin. Munaasaabadda lagu furayay xafladdan waxaa ka qeyb galay Wasiirka maaliyadda, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, wasiiru-dawlaha maaliyadda iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Premiere Bank wuxuu keenay adeegyo caalami ah sida MasterCard iyo SWIFT Code oo lagu maareeyo lacagaha dalka soo galaya iyo kuwa ka baxaya. Adeegyadan waa markii ugu horreysay dalka laga hirgaliyo. Maamulaha Bangiga Premiere Mahad Maxamed Axmed ayaa sheegay in Premier Bank uu kalsooni ka qabo mustaqbalka Soomaaliya iyo in Premier Bank kaalin udub-dhexaad ah ka qaadan karo dib u dhiska iyo soo kabashada dhaqaalaha Soomalaiya, taas oo lagu gaaari karo keenista dalka adeegyo banki oo casri ah, taasina waa sababta aannu u keenay Soomalaiya ayuu yiri adeegga MasterCard oo adduunka oo idil lacag loogala bixi karo iyo adeegga SWIFT-ga oo sahlaya in lacag loo soo diri karo lagana diri karo Soomaaliya si aan bulshadeenna ugu xirno shabakadahaas dhaqaale ee caalamiga ah. Ganacsato Soomaaliyeed ayaa furtay bangigaan oo sameynaya maalgelin waafaqsan shareecada Islaamka iyo adeegyo kale oo ay ku jirto Xisaab si gooni ah loogu asteeyay dumarka oo loo yaqaan MAANDEEQ. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tallaabo kale oo dalku dhinaca horumarka u qaaday ku timaamay adeegyada cusub ee uu soo kordhiyay bangigani, isagoo ku dhiirri galiyay ganacsatada Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan maalgelinta dalka. Sidoo kale madaxweynaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ku dhiirri galiyay inay adeegsadaan bangiyada noocaan oo kale ah.

DHAMAAD
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]