U bood dhigaalka

Maxaa u Qabsoomay Dowladda Federaalka Todobaadkii Tegay?

Sheeko:Dalka

Mogadishu, 30 May 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay ee dowladda Federaalka.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Guddi loo saarayo xalinta Baarlamaanka Jubbaland, 11 Maleeshiyaadka Al-Shabaab ah oo la soo qabqabtay, Tayada badeecadaha dalka soo gala oo la baarayo, Dar-dargelinta Tayeynta Waxbarashada Dalka, Ciidanka XDS iyo AMISOM oo deegaano hor leh ka saaray Al-Shabaab, Wasiirka Warfaafinta oo heshiisyo iskaashi iyo waxwadaqabsi la gaaray Wasiirada Carabta ee Warfaafinta, Dar-dargelinta Horumarka Warbaahinta Dalka, iyo Xildhibaan ka qeybqaatay dayactirka dhismaha waddada Gaalkacyo, Dawladda Soomaaliyeed oo si weyn ugu gurmatay dadka ka soo qaxaya dagaalada Yemen.

Guddi loo saarayo xalinta Baarlamaanka Jubbaland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa 26kii iyo 27kii May booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee maamulka Jubaland si xal loogu helo baarlamaanka cusub ee Jubbaland. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay isla gaarneen is afgarad, iyo in waxyaalaha hada cabashadu ka jirtana ay xukuumadu u saarayso guddi la fariista dadka cabanaya iyo maamulka Jubaland, waxaana rajo ka qabnaa in arrimuhu u xalismayaan si dhaqso ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in Maamulka Jubaland ay isku soo qaadeen arrimaha dastuurka iyo dhamaystirka higsiga 2016. Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mahadceliyey sida diiran ay u soo dhaweeyeen Maamulka iyo Shacabka Jubaland, Wuxuuna ku timaamay in safarkaas ahaa mid guul ku soo idlaaday.

11 Maleeshiyaadka Al-Shabaab ah oo la soo qabqabtay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa 27kii May soo qabqabtay 11 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab kuwaas oo lagu soo bandhigay xarunta Taliska ciidanka 12-ka April ee xoogga dalka Soomaaliyeed. Ciidanka oo howlgal ka fuliyey inta u dhexeysa Janaale iyo Degmada Qoryooleey ayaa ay u suurto gashay inay soo qabqabtaan maleeshiyaadkan iyaga iyo hubkooga, kuwaasi oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen gaadiid shacab oo lagu gubay deegaannadaasi iyo dad kale oo rayid ah oo iyana lagu dilay Gobolka Shabeelaha Hoose. Maleeshiyaadkan ayaa lagu tuhunsanyahay inay deegaanka dadka ku dhibi jireen oo si burcad ah ay gaadiidka u gubi jireen isla markaasna ay ku dileen dad gaaraya 18 shacabka ka tirsan. Maleeshiyadan ayaa dhowaan loo gudbin doonaa Maxkamadda si loo marsiiyo calaadda. Hay’adaha Amniga ayaa in muddo ahba waday dadaalo lagu hirgelinayo barnaamijka Xasilinta Dalka si Soomaaliya ay u noqoto waddan nabad ah oo xasilan.

Tayada badeecadaha dalka soo gala oo la baarayo

Markii ugu horreysay muddo 25 sano ah ayaa waxa ay dowladda Soomaaliya soo rogtay in tayo baaris lagu sameeyo badeecooyinka dalka la keenayo iyo kuwa dibadda loo dhoofinayo kadib markii maanta la dhameystiray heshiis ay Wasaaradda ganacsiga & Warshadaha ay la gashay Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo ku xeeldheer tayo-baarista. Waxaa heshiiska dhanka Wasaaradda u xasiixay Wasiirka Wasaaradda Ganacisga & Warshadaha Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan, halka shirkadda PGM uu u saxiixay Gudoomiyaha Guddiga Maamulka Dr. Arif Canacik, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirrigelinta Maalgashiga Mudane Khaalid Cumar Cali iyo Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Danjire Olgan Bekar. Wasiir Cabdiraxmaan ayaa saxiixa heshiiskan kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in la baaro tayada badeecooyinka kala geddisan ee dalka soo gala iyo kuwa laga dhoofiyo. Shirkadda PGM ayaa ah shirkad caalami ah oo xafiisyo ku leh dalal badan oo caalamka ah, saldhiggeeduna yahay dalka Turkiga. Waxa ay sidoo kale baaritana ku sameysaa dhamaan waxyaabaha la geeyo iyo kuwa laga soo dhoofiyo dalka Turkiga.

Dar-dargelinta Tayeynta Waxbarashada Dalka

Wasaaradda Waxbarashada ayaa 27kii May 2015 hirgelisay shir heer Qaran ah oo looga Tashanayey hormarinta iyo tayeynta waxbarashada dalka, dardar galinta qorshaha Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka ay ku doonayso in sanadkaan ay ardayda ka soo baxaya dugsiyada sare ee koofurta iyo bartamaha galaan imtixaan midaysan, samaynta manhaj waxbarasho oo midaysan iyo sidii deeqaha waxbarasho loo wada gaarsiin lahaa dhammaan gobollada dalka oo dhan iyo qobada kale. Shirkan oo ku qabsoomay Muqdisho ayaa loogu magacdaray Aasaaska Wadatashiga iyo midnimada waxbrashada Soomaliyeed. Waxaa ka qayb galay xubno ka socday maamulada goboladda dalka iyo aqoonyahano. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya marwo Qadar Bashir Cali oo shirka furtay ayaa sheegtay in shirkan labada maalmood socday looga hadlay imtixaanka midaysan oo loo baahan yahay in gobolada oo dhan ay heegan u noqdaan, iyadoo rajo ka muujisey in imtixaankuna uu u hirgeli doono sidii loogu talogalay. Arrimaha kale ee shirkan wadatashiga looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa sidii deeqaha Waxbarasho loo gaarsiin lahaa dhammaan gobollada dalka oo dhan. Arrinta kale ee muhiimka aheyd ee shirka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa sidii manhajka waxbarasho ee dalka loo mdieyn lahaa. Marwo Qadar Bashir Cali ayaa sheegtay in deeqaha waxbarasho la siin doono ardeyda ugu darajo sareysa si loo dhiiri geliyo waxbarashada oo ardeyda ay ugu tartamaan sidii ay waxbarashadoodu u gaari laheyd heer ay ardeyda adduunka kula tartamaan.

Cidianka XDS iyo AMISOM oo deegaano hor leh ka saaray Al-Shabaab

Taliyaha Ciidanka Xoogga ee degmada Buulo Burte Gaashaanle Cabdullaahi Barre Cilmi ayaa sheegay inay 27kii May 2015 howlgallo ay ka sameeyeen deegaanno hoos yimaada degmada Buulo Burte ay kula wareegeen deegaanno hor leh oo gobolka Hiiraan ka tirsan, kuwaasi oo horey dadka ay ugu dhibaateyn jireen maleeshiyaadka Uruka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS. Taliyaha ayaa sidoo kale xusay inay la wareegeen saanad milateri iyo qalab ku shaqeeya cad ceedda oo ay si dhuumaleysi ah u isticmaali jireen. Ciidamada Dowladda Federaalka iyo AMISOM ayaa howlgallo ay ka sameeyeen duleedka Degmada Buulo Burte, gaar ahaaan deegaannada Ceelbacad, Jameeco iyo Mubaarak, dhamaan meelihii ay ku dhuumaaleysanayeen kooxda UGUS waa lagala wareegay, waddo ay ku dhuumaaleysan jireenna waa laga kiciyay, 11-ka mid ah maleeshiyaadka kooxda UGUS goobta ayaa lagu dilay.

Dar-dargelinta Dhalinyarada inay Siyaasadda ka qeybqaataan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa 26kii May 2013 dhallinyarada Soomaaliyeed ku dhiirigeliyey inay siyaasadda ka qeybqaataan isagoo kula hadlayey munaasabad si toos ah looga daawanayey TV-yada iyadoo ujeedadu aheyd in Madaxweynaha dalka uu ku bogaadiyo doorka ay dalka horumarkiisa ku leeyihiin dhallinyarada. Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay suugaan iyo Riwaayado ka hadlaya waddanka iyo doorka muuqda ee kaalinta Nabadda ee Dhalinyarada. Guddoomiyaha Gobolka Banadir Muungaab ayaa ku booriyey dhallinyarada G/banaadir in ay ka qeyb qaataan sugitaanka ammaanka iyo Horumarka wadanka waxana loo Baahanyahay ayuu yiri in aad gacmaha is qabsataan oo aad meel uga soo wada jeesataan cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS. Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la sameeyo nidaam siyaasadeed oo ku saleysan mustaqbalka dalka, dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay dalka gaarsiiyo doorashooyin dhalinyaradana hormuud ayeey ka yihiin, ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in dowladda ay ku gacan siiyaan amniga iyo xasiloonida siyaasadda, waxa uu intaa raaciyey madaxweynaha in Dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso soo kabashada Dhaqaalaha iyo shaqo abuurista dadka, si amni loo helana waa lagama maarmaan arrimahaas, waxa ayna nooga baahan yihiin shaqooyinkaas oo dhan amni, dhalinyarada qodobbadaas door weyn ayeey ku leeyihiin, isagoo ka codsaday in dhalinyaradu ay arrimahaas ku baraarugsanaadaan.

Dar-dargelinta Dagaalka Argagaxisada lagula jiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 26kii May 2015 kormeer ku tagay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, gaar ahaan furumaha dagaalka ee ay ku sugan yihiin ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo dagaal kula jira maleeshiyaadka argagixisada ee UGUS. Madaxweynaha ayaa dhiirigeliyey ciidanka XDS isla markaasna dalacsiin u sameeyey askartii muujisay karti, hufnaan iyo howlkarnimo dheeri ah. Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidanka XDS ay yihiin geesiyaal u istaagay dalkooda iyo badbaadinta shacabka. Madaxweynaha ayaa sheegay muhiimada ay leedahay in la dardargeliyo dagaalka lagula jiro kooxaha aragagaxisada ah si dalka oo dhan loo nabadeeyo, loona abuuro fursado ay shacabka si xor ah ay aayahooda uga tashadaan.

Dar-dargelinta Horumarka Warbaahinta Dalka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa 27kii May 2015 kulamo la qaatay saraakiil ka socotay Dowladda Mareykanka oo ka yimid Washington oo ay la socdeen saraakiisha Safaaradda Mareykanka iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya. Wasiir Maareeye ayaa wufuudan kala hadlay sidii loo horumarin lahaa Warbaahinta Soomaaliya, gaar ahaan sidii Wasaaradda ay u yeelan laheyd xafiis u qaabilsan baraha bulshada (social media) oo ay Dowladdu yeelato Facebook, Twitter iyo dhammaan baraha internetyada ay bulshadu isticmaasho. Wasiir Maareye ayaa sheegay bacdamaa Soomaalidu ay yihiin dad warbaahinta aad u jecel inay Wasaaraddu wado qorsheyaal fara badan oo bulshada lagu wacyigelinayo arrimaha horumarka amniga, waxbarashada, caafimaadka, horumarka dalka ka socda iyo arrimaha muhiimka u ah bulshada sida horumarka laga sameynayo dib u eegista dastuurka, dhaqangelinta Federaalka iyo sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyin sanadka 2016ka. Wasiir Maareeye ayaa Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr Fabrizio Marcelli kala hadlay sidii Warbaahinta Soomaaliyeed loo horumarin lahaa. Safiirka ayaa ballanqaaday in Dowladda Talyaaniga ay diyaar u tahay inay xiriir wanaagsan la yeelato Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska oo ay mashaariic badan la fuliso. Safiirka ayaa ka codsaday Wasiirka in shacabka Soomaaliyeed laga wacyigeliyo dhibaatooyinka Tahriibka. Wasiirka ayaa lagu casuumay inuu shirk a dhacaya Talyaaniga ka qeybgalo bisha August. Wasiirka ayaa sheegay in sharcigii saxaafadda uu baarlamaanka horyaalo, in guddiga isku xirka iyo xiriirka ay si xowli ah u howlgalaan, in barnaamijyada SNTV iyo radiyo muqdisho la tayeeyey iyo in barnaamijyo fara badan oo wacyigelin ah la fulinayo. Wasiir Maareeye ayaa sheegay in Wasaaradu ay qorsheyneyso inay fuliso mashaariic dhaqanka Soomaaliyeed lagu weyneynayo, islamarkaasna fannaaniinta Soomaaliyeed iyo gabyaaga loo sameynayo barnaamijyo bulshada soo jiita.

Gurmad loo sameeyey Qaxootiga Yemen

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday qorshe gurmad ah oo dadka qaxootiga ee ka imanaya loogu gurmanayo. Guddiga Gurmadka Qaxootiga Yemen ayaa labo jibaaray dadaalkooda bulshada looga dalbanayo inay ka qeybqaataan gurmadka sidii qaxootiga ka imanaya Yemen ee Soomaali iyo Yemen isagu jira loo soo dhoweyn lahaa isla markaasna loogu diyaarin lahaa hoy iyo raashin. Gurmadkan ayaa waxaa lagu guuleystay in guddiga Gurmadka oo heer wasiir, heer xildhibaan iyo heer bulsho leh oo ay ku jirana madaxda culumada Soomaaliyeed iyo ururada bulshada ayaa lagu guuleystay in loo aruuriyo lacago lagu daryeelayo dadkaas qaxootiga ah. Hay’adaha ganacsiga ayaa iyagana gurmadkaas ka qeybqaatay. Ganacsade Cabdi Cali ayaa markab u direy dadka qaxootiga ah oo uu isaga bixiyey kharashka markabkaas. Dowladda Federaalka waxey aad ugu mahadcelineysaa dhammaan shaqsiyaadkii iyo hay’adihii gurmadkan ka qeybqaatay, waxeyna ugu baaqeysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibeddaba inay gurmadkan ka wada qeybqaataan.

Wasiirka Warfaafinta oo xirrir waxwadaqabsi iyo iskaashi la gaaray Wasiirada Carabta iyo Ururka Jaamicadda Carabta

Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Warfaafinta ee dalalka Jaamicadda Carabta ayaa magaalada Qaahira kulamo gaar gaar ah kula yeeshay Wasiirada Warfaafinta ee dalalka Masar, Sudan, Morocco, Kuwait iyo Ururka Jaamicadda Carabta. Wasiir Maareeye ayaa warbixin guud ee ku aadan xaaladda dalka Soomaaliya siiyey dhigiisa waddamada Carabta, isla markaasna uga warbixiyey horumarka warbaahinta dalka Soomaaliya. Wasiir Maareeye ayaa ku guuleystay in waddamada Masar, Sudan, Morocco, Kuwait iyo Ururka Jaamicadda Carabta la soo gaaray is afgarad ku aadan sidii warbaahinta Soomaaliya loo sii horumarin lahaa oo waddamada Carabta ay kaalin weyn uga qaadan lahaayeen taageerida iyo tayeynta warbaahinta Qaranka iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay. Waxaa dhowaan la filayaa in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay heli doonaan taageero lagu tayeynayo sidii warbaahinta Soomaaliya ay ula tartami laheyd kuwa caalamka.

Xildhibaan ka qeybqaatay dayactirka dhismaha waddada Gaalkacyo

Xildhibaan C/llaahi Jaamac oo ay wehliyaan xubno ka tirsan gudiga dhismaha wadada ayaa 26kii May 2015 kormeeray dhismaha wadada oo ka bilaabata dhinaca koofureed ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo dhawr KM loo dhisay dhinaca magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac ayaa sheegay in dhismaha wadada uu ugu tabarucayo 5-kun oo Dollar si uu u dhiirigeliyo hadafka dheer ee la hiigsanayo oo ah in la dhamaystiro wadadan oo qiyaastii gaaraysa 270-km. Xildhibaan Cadullaahi Jaamac ayaa yiri “Ilaahey mahadii waxaa ah inaan maanta indhahayga ku arko wadadii isku xiraysay Gaalkacyo iyo Hobyo oo 2km oo ka mid ah lagu dhisay iskaa wax qabso, inta hartayna, waxa ay u baahantahay dadaal iyo wadaninimo, wadadaas iyadoo ajnabi wax nasiin ayaan dhisan karnaa, aniga dhinacayga $5,000 oo Dollar ayaan ku tabarucayaa”. Tallaabadan Xildhibaanka ayaa ah mid dhiirigelineysa bulshada Soomaaliyeed iyo xildhibaanada iyo siyaasiyiinta ay ka qeybqaataan dib u dhiska dalka Soomaaliya.

DHAMAAD

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]