U bood dhigaalka

Maxaa u Sabab Ah Fashilka Amni ee Muqdisho? Falanqeeye Sababeynaya

Sheeko:Amniga

Dr.  Sheekh Cali Nuur oo ka mid ah falanqeeyeyaasha dhanka ammaanka ayaa sheegay in dowladda federaalka ee Soomaaliya ay gabi ahaan ku fashilantah sugidda ammaanka caasimadda Muqdisho.

Dr. Cali Nuur oo la hadlay Goobjoog News ayaa xusay in fashilka ammaanka magaalada ay sabab u tahay in dowladdu ammaanka dalka iyo magaaladaba ay ku aamintay dad aan ehel u aheyn,  waxaa hadaliisa ka mid ahaa”Hadda waxaan ognahay Muqdisho kama shaqeyaan dadkii ammaankeeda ka shaqeyn lahaa, dumar iyo caruur iska yaacayoo gawaarida dul saaran waxba aan gelin, waxba aan goyn, oo dadka iyo deegaanka aan wax ka aqoon ayaa la dhahay adinku wax qabta”.

Sidoo kale Dr. ka oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in ammaanka dalka iyo weliba caasimadda ay adkaan doonto in la sugo ilaa la helo is-afgarad siyaasadeed iyo dadka in talada gacanta loo galiyo lana dareen siiyo in ay ilaashadaan deegaanka iyo waxa ay wada leeyihiin waxaana uu yiri” Meel kasto oo dhibaato ammaan darro ay  ka jirto, waxaa ka jira oo garab socda oo ka jira dhibaato siyaasadeed, waxaa loola jeedaa is afgarad siyaasadeed kama jiro, oo bulshada deegaankaas degan wax ay isla ilaashadaan oo ay iskula dadaasho  oo wixii dhibaayo hal meel ay uga soo wada jeesato”.

Dhanka kale, Dr. Cali Nuur ayaa sheegay in loo baahan yahay si dadka siyaasadiisa iyo ammaankiisa loo xaliyo in marka hore si gaar ah loo xaliyo caasimadda, asaga oo intaasi raaciyey  in loo baahan yahay in magaalada dadka degan ay mudan yihiin in ay maamulaan loogana danbeeyo.

“ Magaalada marka arrimaheeda la xalinayo, waa inay noqotaa waa caasimaddii Soomaaliyeed oo dadka deegaanada kale iyo dibadda ka jira laga talo galiyo, laakiin xoogeeda dadka dagan oo ganacsiga guryaha iyo jaamacadaha ku leh oo noloshooda ay ku xiran tahay waa inay lahaadaan go’aanka maamulka oyo maareynta magaalada Caasimada ah ee Muqdisho”

Ugu danbeyn Dr. Sheekh Cali Nuur  ayaa hadalkiisa ku soo gaban gabeeyay  in dadka magaalada dagan ay bixiyaan canshuur aad u badan haddana aysan heli ammaan, assaga oo u sababeeyay in laamaha ammaanka uu gacanta ugu jiro dad ka yimid dalka dibaddiisa.

” Laakiin suurto gal maahan in reer Muqdisho ay bixiyaan bishii 15 milyon oo doller , marka waxaa la rabaa in magaaladaan xal looga raadiyo dadka maanka iyo garashada u saaxiibka ah oona aqoonta u leh oo waxna go’n kara”

Goobjoog News