U bood dhigaalka

Maxaabiis Gaaraya 120 Oo Cafis Loo Fidiyay Dowled-gobaledka Puntland

Sheeko:Amniga

Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha  Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Cafis u fidiyey maxaabiis munaasabadda Bisha Ramadaan iyo Ciidul-fitriga awgeed.

Maxaabiistaan Cafiska loo fidiyay ayaa xiran xabsiyada deegaanda Puntland waxa ayna gaar 120 maxbuus ku waas oo ku jira  xabsiyo kala duwan.

Maxaabiista  ayaa ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Bosaso,Garowe ,Qardho iyo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka ayaana sheegay in bisha Ramadaan iyo munaasabadda Ciida owgeed cafis ayuu maamulku u fidiyay 120 kaas maxbuus oo kala xirna xabsiyada Puntland.

Halkaan ka aqriso

Goobjoog News