U bood dhigaalka

Maxaabiis Ku Jirtay Xabsiga Dhexe Oo Loo Wareejiyey Xabsiga Weyn Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maxaabiis ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay Xabsiga wayn ee Muqdisho, kaasi oo dhawaan  laga dhisay Xerada Ciidanka Asluubta ee duleedka dhanka Koonfureed ee Muqdisho.

Maxaabiistaan  maanta loo gudbiyay xabsiga weyn ayaa tiradoodu gaareysaa 58 Maxbuus oo galay dambiyo kala duwan, waxaana ay ku xirnaan jireen Xabsiga dhexe.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Somaliya ayaa tagay xabsiga xilliga maxaabiista maanta loo wareejinaayay xabsigaasi.

Maxaabiistaan ayaa ah kuwii ugu horeeyay ee loo soo wareejiyo Xabsiga Muqdisho ee laga dhisay duleedka Magaalada.

Xabsiga dhexe ee Xamar oo muddo ciriiri & rafaad uu ku haystay maxaabiista ayaa hadda heli doonaan nafis, maadaama Maxaabiista dambiyadooda fudud yihiin lagu xiri doono Xabsiga cusub.

Goobjoog News