U bood dhigaalka

Maxaabiis Ku Xirnaa Xabsiga Boosaaso Oo Dambi Lagu Waayay

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Puntland, gaar ahaan gobalka Bari ayaa xabsiga kasii deysay 8 eedeysane oo loo haystay inay ka tirsanaayeen Xarakada Al-shabaab.

Gudoomiyaha maxkamadaasi Cabdifitaax Xaaji Aadan ayaa sheegay in eedeysanayaashaan lagu waayay wax dambi ah, islamarkaana xurriyadooda la siiyay.

Xubnaha lasii daayay ayaa kala ah:-

1-Nuunow Maxamed Madnuur.
2-Maxamed Maxamuud Xassan.
3-Cali Nuur Macalin
4-Bashiir Cabdi Dirir.
5-Axmed Yaasiin Xirsi.
6-Kayse Maxamed Cabdullaahi Faarax Ciidanka Daraawiishta Puntland.
7-Dable Bashiir Siciid Muuse Ciidanka Daraawiishta Puntland.
8-Dable Cabdiraxmaan Daahir Axmed Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Xeer ilaaliyaha Puntland ayaa soo gudbiyay kiiska dadkani oo in ka badan Lix bil xabsiga magaalada Boosaaso ku ahaa xukun suge.

Dhawaan ayaa gudoomiyaha maxkamadda sare ee maamulka Puntland waxa uu booqday xabsiga Boosaaso iyo saldhigyada Booliiska, isaga oo amar ku bixiyay in maxkamad degdeg loo soo taago dadka xiran, wixii dambi leh la cadeeyo, inta aanu lahaynna lasii daayo.

Dadka lasii daayay waxaa ku jira dad kasoo jeeda Gobalada Baay, Bakool, iyo Sool.

Goobjoog News