U bood dhigaalka

Maxaabiis Laga Keenay Seychelles Oo Soo Gaaray Muqdisho

Sheeko:Dalka

In ka badan 10 maxbuus oo ku Xirnaa jasiirada Seychelles ayaa maanta dib loogu soo celiyay dalka, Waxaana  Garoonka diyaaradaha  Aadan Cadde ku soo dhaweeyay wasiirka Cadaalada, Taliyaha Ciidanka Asluubta  Soomaaliyeed,  Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Iyo Xubno ka tirsan Aqalka Sare.

Maxabistani ayaa 6 ka mid ah  xabsiga Ku dhameysan doona  dalka halka  Qofka dodobaad la sii dayay oo uu  mudada xabsiga uu soo dhameystay.

Taliyah Ciidanka  Asluubta Soomaaliyeed  Sareeye Gaas  Xuseen Xasan Cusmaan ayaa  shegay  in tallaabo Wagansan ay tahay in dalka dib loogu Soo celiyo maxabiista Soomaaliyeed ee ku Xiran Wadamada Calamka.

Xeer-ilaaliyah Guud ee qaranka Dr. Axmed Cali Dahiir oo halkaasi ka hadlay ayaa  Xusay in Maxabiis kala khamiista ay ku soo Wajhanyihiin dalka si dalkooda ay ugu dhamestaan  Xukunnada  u dhiman.

Wasiirka Cadaalada Xukumada Fadraalka ah ee Soomaaliya   Xasan Xuseen Xaaji  ayaa tilmaamay  in Wasaaradda Cadaaladda oo kaashaneyso Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Wasaradda arimaha dibadda ay ku mashquulsanyihiin in dalka loogu soo celiyo maxabiista Soomaaliyeed ee ku xiran wadamada dibadda.

Goobjoog News