U bood dhigaalka

Maxaabiis Laga Soo Daayey India Oo La Keenay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Goor dhow waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo gaartay diyaarad siddey 76 qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo laga soo daayey xabsiyo ku yaalla dalka India.

Dadkan maanta la keenay Muqdisho ayaa dhammaantood rag ahaa, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ugu horreeyo Ra’iisul ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed.

Maxaabiistan oo muddo badan ku xirnaa India ayaa markii ay kasoo degeen garoonka Aadan Cadde waxaa wejiyadooda laga dareemayey farxad aad u sarreysa.

Sidoo kale, waxaa garoonka buux dhaafiyey qaar kamid ah ehalada dadkan maanta laga soo dejiyey Garoonka Aadan Cadde.

Waa markii Labaad oo dowladda Federaalka dalka kusoo celiso maxaabiis ku xiran dalka India, oo qaarkood sheegay iney ka quusteen iney dib u helaan xorriyadooda, kadib heshiis ay la saxiixatay dowladda India.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News