U bood dhigaalka

Maxaabiis Xorriyadooda Ka Helay Puntland

Sheeko:Dalka

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xoriyadooda dib u siisay 11 eedeysane oo mudo xirnaa.

Maxaabiistan ayaa lagu eedeyey in ay ka tirsanaayeen Xarakada Al-shabaab ayaa 9 kamid ah waxay ku dhasheen magaalooyinka Muqdisho iyo Jowshar, halka 2-da kale ay ku dhasheen Boosaaso iyo Luuq oo Gedo ah.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland Puntaland C/fitaax Xaaji Aadan ayaa halkasi kaga dhawaqay in 11-ka eedaysane lagu waayay wax dambi ah sidaasana ay ku fasaxeen.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadka aan lagu helin dambiyada ay dib usiinayaan xorriyadooda ciddii dambi lagu helana maxkamad lasoo taagi doono.

Magacyada ragga lasii daayay:

  • Liibaan Maxamed Maxamuud
  • C/laahi Xasan Fiidow
  • Abukar C/kariin Maxamed
  • C/weli Maxamuud C/laahi
  • C/kariin Maxamuud Cali
  • Cabdi salaad Muuse
  • Muuse Cabdi Maxamuud
  • C/naasir Maxamed Maxamuud
  • Maxamed Xasan Aweys
  • Maxamed Cawad Saciid
  • Siyaad Faarax Xuseen

Goobjoog News