U bood dhigaalka

Maxaad Ka Ogtahay Horomarka Uu Sameeyay Laacibka Xulka Sacuudi Carabiya Muqtaar Cali

Sheeko:Cayaaraha

Mukhtar Cabdullahi Cali oo ka mid ah ciyaaryahanada Soomaaliyeed ee da’daalka wanaagsan ka sameeyay qaarada yurub ayaa iminka waqti wanaagsan la qaadanaya Xulka wadanka Sacudiya iyo kooxda Al Nasar,waxaana aabaha dhalay ciyaaryahan Mukhaar Cali Cabdullahi Sheekh uu sheegay in aad ugu faraxsanyahay da’daalka iyo heerka uu iminka joogo.

“Sharaf weyn ay umadda Soomaaliyeed iyo qoyskayga u tahay in wiilkayga Mukhtaar oo magac iyo heer sareka gaaro ciyaaraha caalamka,waxaana heerka uu iminka joogo laacib Mukhtaar ay dhiir-gelin u noqonaysaa dhallinyarada kale ee jecel xirfadan” ayuuu Goobjoog Sports ugu waramay Cali Cabdullahi Sheekh (Cali Afgooye) oo ah aabaha dhalay laacib Xulka Sacuudi Carabiya Muqtaar Cali Afgooye.

Laacib Mukhtar Afgooye wuxuu sheegay in uu jeclaan lahaa in isaga iyo saaxiibadii ay soo booqdaan dalka iyo in ay la kulmaan xidigaha ka dheela Soomaaliya,balse waqtigooda sanadkan oo cariiri yahay.

Sanadihii lasoo dhaafay waxaa garoomada waaweyn ee kubbadda cagta Caalamka lagu arkayay dhallinayaro badan oo Soomaaliyeed  kuwaas u ciyaaraya kooxaha heerarka  kala gedisan ee qaaarad Qaarada Yururb waxaana aabaha xirfadyahan Cali Cabdullahi (Cali Afgooye) waalidiinta kale  uu u soo jeediyay in ay caruuurtooda ku dhiiri-geliyaan qeybaha kala duwan ee isboortiga.

Si kastaba 23 Jirada Sacduuiya Carabiya ayaaa bishii Janaayo ee sanada 2020 soo tiigsatay kama dambeysta  tartanka Asian Championship,inkastoo fiinalaha ay guuldarokala kulmeen South Korea.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Laacib Muqtaar Cali Afgooye

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/136650680764122/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle