U bood dhigaalka

Maxaad Ogtahay Dhacdooyinkii Ugu Waaweynaa Ee Bisha November 2019 Ka Dhacay Ciyaaraha Soomaaliya

Sheeko:Cayaaraha

Warbaahinta Goobjoog ayaa bishii 11-aad oo xariir ah kuu soo gudbinaysaa dhacdooyinka kala duwanaa ee laga diiwan geliyay guud ahaan ciyaaraha wadanka bishii November 2019.

01-Novermber 2019-Magalaada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool waxaa sanadkii labaad oo xariir ah lagu qabtay tartanka ciyaaraha Oradka waxaana sanadkan la oraday oradka shanta kun ee killo meter.


02-Novermber 2019-Kooxda Dekedda ayaa laga cibtiray koobabka sanadaha ee Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse waxaana 3-1 ay ku garaacay xidigaha ciidanka xooga dalka ee Horseed Sports Club.


03-Novermber 2019-Guddoomiyaha Degmada Kaaraan iyo mas’uuliyeen ka socotay Gobolka Banaadir ayaa kormeeray garoonka qoob dooro oo iminka lagu wado dib u dayactiro,maamulka Gobolka Banaadir ayaa da’daal wanaagsan ku bixinaya horomarinta garoomada degmooyinka.

04-November 2019-Maamulka isboortiga wadanka Finland ayaa abaal mariyay kooxaha Helisinki Stars iyo Old Boys oo ku guulaystay koobab ay soo qaban qaabiyeen ururka ugu weyn ciyaaraha Finland ee Sonpet.

05-November 2019-Xariirka Kubbadda Kolayga Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka furay tartan ay ugu magacdareen horomarinta kubbadda kolllayga waxaana ka qeyb galay afar naadi.

06-November 2019-Xariirka Teeniiska dheer ayaa iskuulada magaalada Muqdisho ka bilaaway horomarinta iyo fahansiinta ciyaaraha teeniska,iyadoo u jeedada laga lee yahay ay tahay in ay diyaariyaan dhallinyaro ku wanaagsan heerka waxbarasho iyo xirfada teeniska dheer kuwaas oo mustaqbalka u dheela Xulka.


07-November 2019-Masuuliyiin katirsan xiriirka kubadda cagta Puntland ayaa qalab isboorti ku wareejiyay xariirka kubbadda cagta magaalada Qardho kuwaas oo lagu talagalay horomarinta kooxaha magaalada.


08-November 2019-Kooxaha  Elman iyo Dekedda ayaa iskaga haray koobka Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse 2019,iyagoo kuwada jiray Group B waxaana garoobka kasoo baxay  Muqdisho City Club iyo Horseed.

09-November 2019-Kooxda Dekedda ayaa ku guuleysatay koobka horumarinta kubadda koleyga oo ay afar koox ka qeyb galeen kulanka Fiinaalka Dekedda ayaa 58-43 kaga adkaatay kooxda Muqdisho City.

10-November 2019-Ciyaaryahan Xasan Maxamed Aadan (Xasan Santos) ayaa kooxdiisa Muqdisho City Club u saxiixay heshiisa cusub uu kula joogayo ilaa inta laga gaarayo sanadka 2021.

11-Novermber 2019-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen oo booqadey garoonka kubada cagta Degmada Waajid ee gobalka Bakool ayaa dhallinyarada iyo bahda ciyaaraha u balanqaaday in maamulkiisa oo kaalin wanaagsan ka qaadanayo dhismaha iyo dayactirka garoonka.

12-Novermber 2019-Kooxda Geeska Afrika ayaa markii ugu horeesay u soo baxay afar dhamaadka tartanka Jeneraal Daa’uud waxayna ciyaartii sideed dhamaadka 2-1 kaga adkaadeen xidigaha Heegan .

13-Novermber 2019-Naadida Dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa sanadkii labaad oo xariir ah u soo gudbtay afar dhamaadka tartanka Jeneraal Daa’uud,ka dib markii ay  3-0 kaga badiyeen kooxda Saxafi.


14-November 2019-Naadiga Gaadiidka ayaa mudo dheer ka dib usoo baxay semi fiinalah tartanka sanadlaha ah ee Jeneraal Daa’uud,Gaadiidka ayaa kulankii wareega sideed dhamaadka ka badiyay Jazeera.

15-Novermber 2019-Kooxda ciidanka xooga dalka ee Horseed oo sanadkii lasoo dhaafay soo tiigsatay fiinalaha tartanka Jeneraal Daa’uud 2018 ayaa sanadkii labaad oo xariirah u soo baxay rubac dhamaadka kooka Jeneraal Daa’uud 2019,naadiga Horseed ayaa wareega sidee dhamaadka 4-1 ku dirtay xidigaha Raadsan.

16-Novermber 2019-Orodyahanka Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Guuleed ayaa ku guulaystay bilado tartanka orodka dheer ee 100km, kaasoo lagu qabtay magalada Qaahira ee dalka Masar.


17-Novermber 2019-Kooxda Muqdisho City Club ayaa sanadkii labaad oo xariir ah u soo baxday fiinalaha tartanka Jeneraal Daa’uud  waxayna Sem- Finaalka rigoorayaal 4-1 kaga badiyeen xidigaha Geeska Afrika.


18-November 2019-Kooxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe,iyagoo dalka u imaaday is dhaxgal bulsho iyo ciyaaro saaxiibtinimo.

18-November 2019-Kooxda Horseed ayaa sanadkii labaad oo xariir ah gaartay fiinalaha tartanka Jeneraal Daa’uud 2019 xidigaha Horseed ayaa kulankii afar dhamaadka tartanka 3-0 kaga badiyay Gaadiidka.

19-November 2019-Kooxda Iskuul Daarul Tarbiya ayaa hantay tartanka kubbadda horyaalka iskuulada Gobolka Banaadir oo muqdisho ka socday intii u dhaxaysay bishii May ilaa November 2019


20-November 2019-Gudoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab ahna xubin ka mid ah guddiga fulinta CAF ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar, ugu qeyb galay shir looga hadlayay horumarinta kubbadda Cagta qaarada Africa.


21-November 2019-Kooxda ciidanka xooga ee Horseed ayaa ku guulaystay koobka Jeneraal Daa’uud 2019 xidigaha Horseed ayaa ciyaartii fiinalka 3-2 kaga badiyay naadiga dowlada hoose ee Muqdisho City Club labada naadi ayaa sanadkii 2aad oo xariir ah soo gaaray fiinalaha tartanka sanadlaha ee Jeneraal Daa’uud.


22-November 2019-Maamulka kooxda Heegan ayaa xilkeeda tababarnimo u magacaabay Mahad Maxamed Xaaji  oo ka mid ahaa xidigihii soo maray,Laacib Mahad ayaa Heegan ka mid ahaa intii u dhaxeesay sanadihii 2009-2016 intii uu joogay Heegan hal mar ayuu la qaaday horyaalka Soomaaliya


23-November 2019-Cabdifataax Maxamed Qaaje oo ka mid ciyaartooyda ku nool wadanka Finland kana tirsan kooxda Old Boys ayaa la siiyay abaal marinta shaqsiga ugu fiican ee ciyaaraha qurbajoogta,ka dib markii uu sameeyay da’daal sare waxaana abaal marinta laga codeeyay wadamo badan oo yurub.


24-November 2019-Kooxda Ionikos Nikaias ee ka ciyaarta horyaalka heerka seddaxaad ee Dalka Gariiga ayaa shaacisay sawirro muujinaya in goolhayihii hore Xulka Qaranka Somalia iyo kooxaha Heegan iyo Jeenyo Mustafa Maxamed Yuusuf oo ka mid noqday kooxdaas.


25-November 2019-Kooxda taariikhta ee qeybta ka ah jaaliyada  Melbourne ayaa qaliin indha fiiqis u sameeyay 300 oo qof oo ku nool magaalada Bosaaso,dadkii loo sameeyay caafimaadka ayaa ka mahad celiyay.


26-November 2019-Guddiga dhismaha garoonka Cadaado ee Maamulka Galmudug ayaa soo gabi gabeeyay wajiga kowaad ee dib u dactirka waxayna dhinaca kale madaxda Dowladda iyo bulshada Galmudug ugu baaqeen in ay si wanaagsan ugu qeyb qaataan dhameystirka garoonka Cadaado.


27-November 2019-Maamulka dagmada Cabdicasiis ayaa u magacabay Axmed Cismaan Axmed (Qurunbe) gudoomiyaha sportska degmada Cabdicasiis oo ka mid ah dhallinyarada degan Degmada.


28-November 2019-Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ayaa in ka badan 10 ciyaaryahan ugu yeeray waajibaadka Xulka Qaranka kuwaas oo ku kala nool wadamada Yurub iyo waqooyiga Ameerika waxaana arintan bogaadiyay taageerayaasha Xulka Qaranka Soomaaliya,iyagoo sheegay in ay tahay arin wanaagsan.

29-November 2019-Kooxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne oo intii dhaxaysay 18-29 November ciyaaraha saaxiibtinimo iyo howlaha caafimaad ka sameeyay deegaanada maamulka Puntland ayaa safarkooda soo gaba gabeeyay,iyagoo loogu mahad celiyay booqashadoodii qiimaha badnaa.

30-November 2019-Afar ka mid ciyaaryahanada Xulka Qaranka ayaa u dhoofay magaalada Kampala ee wadanka Uganda xidigaha Muqdisho ka dhoofay waxay kala ahaayeen Xasan Cabdi Nuur,CabdiCasiis Yuusuf,gool haye Saciid Aweys Cali iyo Anwar Sayid Cali (Shakuunda).

Halkan Ka Daawo Warbixinta Dhacdooyinka Bisha November 2019

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/1254524414748837/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle