U bood dhigaalka

Maxaadan Ogeyn Oo Ka Socda Maagaalada Kismaayo?

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxay sheegayaan in ciidamada ammaanka ee Jubbaland wadaan howlgallo ballaaran oo ammaanka lagu xaqiijinayo.

Ciidamada ayaa baaraya qaar ka mid ah xaafadaha Kismaayo, iyaga oo heegan buuxa ku jira, balse lama shaacin cid lagu soo qabtay howlgalladan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in la isku diyaarinayo caleema saarka madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Caleema saarka madaxweyne Axmed Madoobe waxaa ku casuuman mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin dhowr ah, sida ay inoo sheegeen ilo ku dhow madaxtooyada Jubbaland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News