U bood dhigaalka

Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida Oo Xukun Dil ah Fulisay

Sheeko:Amniga

Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ayaa Saakay dil toogasho ku fulisay labo nin oo horay loogu soo eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Al Shabaab.

Labadaan ruux ayaa xeer ilaalintu sheegtay in ay dilal iyo qaraxyo ka geystay Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku dhinteen dad badan oo Soomaaliyeed.

Horay ayaa Xukuno dil ah ugu soo rideen heerarka Kala duwan ee Maxkamadaha Ciidanka Qalabka sida balse Saaka Aroortii hore ayaa lagu toogtay Fagaaraha Cadaalada ee Toogashadu ka dhacdo ee Muqdisho.

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa May 20, 2019-ka Xukun Dil ah ku riday Labadan ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab oo racfaan ka soo qaatay xukunkii Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee ahaa dilka toogashada.

Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) ina Faadumo Aadan Cismaan 23jir ah ku dhashay Sh/dhexe.
Max’ed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) ina Xaawo Cawil Mursal 25 jir ah ku dhashay Bay , kuwaas oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo eedeeyay Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis), Dil bareer ah iyo Xasuuq dad shacab ah, eedaysanayaasha waxaa lagu eedeeyay inay fuliyeen falalka soo socda:-
15/08/2017, waxay weerar ku qaadeen gaari ay saarnaayeen hal Qoys waxaana ku geeriyooday Marxuum Maxamed Xasan Cabdi Cawad .
27/09/2017 isgoyska Via Roma ee Degmada X/wayne, waxay mar kale ku weerareen gaari ay saarnaayeen 2da Marxuum ee kala ah 1)Marxuumad Canab C/laahi Xaashi oo ahayd Xoghayihii Guud ee Ururka Haweenka Qaranka 2)Marxuum Axmed Jaamac Xirsi, weerarkaasoo sababay geerida labada marxuum.
09/11/2018, waxay qayb ka ahaayeen weerarkii lagu qaaday Hotel Sahafi, weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen 32 ruux .
Sidoo kale 22/12/2018 waxay ahaayeen abaabulayaashii labadi qarax ee ka dhacay Tiyaatarka Qaranka iyo Daljirka Dahsoon, oo ay ku geeriyoodeen 27ruux .
Taariikhdu ahayd 20/03/2019 waxay maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho ah.

Goobjoog News