U bood dhigaalka

Maxakamadda Sare Ee Ciidanka Qalabka Sida Qeybta 60-aad Oo Ayidday Xukun Dil ah

Sheeko:Amniga

Maxkamadda Sarre ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed oo u fariisatay dhageysiga kiiska rag dilal kaladuwan ku eedeysnaa kadib racfaan ay ka qaateen Maxkamadda Ciidamada qeybteeda 60-aad.

Dable NISA C/raxmaan Cali Xasan (Sugow) oo 40-jir ah ayaa ka soo hormuuqday goobta uu fadhiga maxkamdda Sarre ee ciidamada ee ku qaadeysay dacwadaha,iyadoo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Qareeno difaacayey eedeysanayaashii la horkeenay maxkamadda.

Racfaanle D/le NISA C/raxmaan Cali Xasan (Sugow) oo loo heystay dilka marxuum Max”ed Xasan Max’ed ayaa horay xukun dil ah ku sooridday Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60aad.

Xeer-ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida Qeybta 60-aad ayaa horkeentay maxkamdda caddeeymo dheeri ah,qiraal muujinayo in uu galay dembiilaha kiiskii lagu soo ooga,iyo sidoo kale marqaatiyaashii ku maragfurayey eedeysanaha dhammaan waxa ay k hor caddeeyeen in racfaanle C/raxmaan Cali Xasan(Sugow) uu galay dembigaasi.

Intaas kadib Maxakamadda Sarre ee Ciidamada Qalabka sida Soomaaliya ayaa ku raacday xukunkii Maxkamadda Darajada 1aad Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60-aad horay ugu xukuntay Dable NISA C/raxmaan Cali Xasan(Sugow) oo ahaa dil toogasho ah,islamarkaana ah qisaasta Marxuum Maxed Xasan Max’ed Weeydhaan.

Dhanka kale Maxkamadda ayaa sidoo kale u fariisatey dacwadda racfaaanle Dable Darwiish Xuseen Cali Macalin Iimaan Gureeyoo,23jir ah iyo racfaanle Dable Xoogga C/waaxid Cali Sheekh Aadan 23jir ah kuwaasoo ku eedeysnaa dilka marxuum Muxudiin Maxamed C/raxmaan kaasoo ka dhacay beer ku taala duleedka magaalada Baydhabo.

Goobjoog News